10ka Kulan Ee Ugu Waa Weyn Kubbadda Cagta Ee La Ciyaarayo Bishaan Maarso.

0
285

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bishaan Maarso waxaa Yurub ka dhici doona kulamo waa weyn oo cajiib ah oo la wada sugayo, waxaana idiin soo koobeynaa kulamada ugu xiisaha badan iyo taariikhda la ciyaarayo.

Horyaalka Premier League ah oo ah horyaalka ugu xiisaha badan dunida waxaa bishaan kaliya ka dhacayo seddex kulan oo waa weyn. Liverpool iyo Chelsea ayaa 4ta bishaan isku arki doona Anfield.

Halka kulanka Manchester Derby uu Etihad Stadium ka dhici doono 7da bishaan Maarso iyadoo Man City ay soo dhaweyn doonto Man United. 14ka bishaan Marso kulanka North London Derby ayaa dhici doona iyadoo Arsenal ay soo dhaweyn doonto Tottenham.

Horyaalka Jarmalka ee Bundesliga waxaa 6da bishaan Maarso isku balansan kooxaha xafiiltaama ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund, halka horyaalka La Liga ay 7da bishaan uu dhacay Madrid Derby iyadoo ay iska horimaanayaan Atletico iyo Real Madrid. Horyaalka Faransiiska Lyon iyo PSG ayaa isku balansan 21ka bishaan.

Kulamada kale ee xiisaha leh waxaa ka mid ah kulamada lugta labaad ee wareega 16ka Champions League iyadoo PSG ay soo dhaweyn doonto Barcelona 10ka bisha Maarso halka Chelsea iyo Atletico Madrid ay isku arki doonaan Stamford Bridge 17ka bishaan.

Dhanka Europa League Man United iyo AC Milan ayaa labo kulan dheeli doona bishaan Maarso oo ka mid ah wareega 16ka ee Europa League.

Kulamada Ugu Xiisaha Badan Ee La Dheelayo Bishaan Maarso:

4ta Maarso: Liverpool v Chelsea

6da Maarso: Bayern v Dortmund

7da Maarso: Atletico v Real Madrid

7da Maarso Man City v Man Utd

9ka Maarso: Wareega 16ka Champions League ayaa dib u bilaabanaya

10ka Maarso PSG v Barca

11ka Maarso: Man Utd v Milan

14ka Maarso: Arsenal v Spurs

17ka Maarso: Chelsea v Atletico

18ka Maarso: Milan v Man Utd

21ka Maarso: Lyon v PSG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here