Dowladda Ingariiska oo Yareysay Taageeradii ay Siin jirtay Yemen.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ingiriiska ayaa aad u yareeyey gargaarka uu siiyo Yemen oo colaad lix sano ka socotay ragaadisay, waxaanu arintaa ku sababeeyey in safmarka korona keenay “duruufo adag oo maaliyadeed oo dunida wada saameeyey”.

Xukuumadda Ingiriisku waxay sheegtay in ay sannadkan ugu deeqi doonto “ugu yaraan” 87 milyan oo Gini halka ay sannadkii hore ka bixisay 214 milyan oo Gini.

Xaaladda Yemen ka taagan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay duruufta ugu xun dunida ee aadamenimo.

Colaaddu waxay ka bilaabtantay dalkaas dabayaaqadii 2014, waagaas oo falaago gacanta ku dhigtay inta abdan galbeedka dalka ka dibna xulufo Sucuudigu hogaaminayaa guluf ku qaaday si dalka loogu soo dabaalo xukunka Madaxweyne Cabdirabuu Mansuur Haadi.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ah saddex meeloodow laba bulshada Yemen ayaa ku tiirsan gargaarka aadamenimo. Qiyaastii laba milyan oo caruur ahina waxay la liitaan nafaqo darro xun.

Yemen colaadda waxa u dheeri waa in uu burburay adeeggii caafimaadku, taasina keentay in dalku waxba ka qaban kari waayo safmarka fayraska korona.

Yaraynta gargaarka Ingiriisku siiyo Yemen, waxa Isniintii lagaga dhawaaqay shir ay maqal iyo muuqaal ku yeesheen dalalka deeqda bixiyaaa oo uu ka qayb galay wasiiru dawlaha arimaha Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, James Cleverly.

Wuxuu sheegay in “caqabadaha heer caalami ah ee haatan jiraa” ay sababeen “dhibaatooyinka maaliyadeed ee dhamaanteen ina saameeyey”. Gargaarku sannadihii u dambeeyey ba hoos ayuu u sii dhacayey. Safmarkuna waaba ugu sii daray oo baahidii ayaa sii badatay.

Saraakiishii Qaramada Midoobay ee madasha ka hadlay ayaa ka dardaarweriyey in hadii ay Qaramada Midoobay heli weydo odoroskeeda ah 3.85 bilyan ee doolar

sannadkan 2021, in malaayiin qof oo reer Yemen ahi ay macaluuli doonaan. Ilaa haatan ma cadda inta qaadhaan la ururiyey inta ay tahay.

David Beasley oo ah agaasimaha guud ee hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “waxa jirta macaluul kaabiga soo saartay dalkaas”.

Antonio Guterres ayaa isna sheegay in deeqihii buurnaa ee la bixiyey suurto geliyeen in laga baaqsado macaluul dalkaa ka dhacda sannadkii 2018, laakiin “maanta gargaarka oo la yareeyaa ka dhigan yahay xukun dil ah oo dadkaa ku dhacay”.

Maraykan ka ayaa madashaa ka ballan qaaday inuu bixin doono 191 milyan oo doolar oo dheeraad ah, taas oo ka dhigaysa wadarta dhaqaalah uu sannadkan ugu deeqay Yemen 350 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here