Real Madrid vs Real Sociedad – Tartanka LaLiga Oo Si Cad U Furmay, Zidane Oo Barca Booska Kala Baxaya.

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay ku qaabbilaysaa Real Sociedad iyadoo raadinaysa guushii shanaad oo xidhiidh ah ee ay soo hoyso xili ciyaareedkan oo dhan, taas oo haddii ay gaadho ay dib ugu laaban doonto kaalinteedii labaad oo ay laba dhibcood ka sare mari doonto Barcelona oo Sabtidii ka sare martay.

Los Blancos oo kaalinta saddexaad u dhacday ayaa waxay lix dhibcood ka dambaysaa Atletico Madrid oo hoggaanka kusii dheeraysatay guushii ay xalay ka gaadhay Villarreal, halka Barcelona ay hal dhibic ka hoosayso, balse kulankan oo ay guuleystaan ayay kaalinta labaad ugu soo laaban doonaan laba dhibcood oo ay ka horreyn doonaan Barca iyo saddex ay ka hoosayn doonaan Atletico, halka Sevilla oo afraad ku jirtana ay haddaba u dhexeeyaan toddoba dhibcood.

Madrid oo xili ciyaareedkan ay dhaawacyo badan soo gaadheen, ayaa guushii Champions League ee Arbacadii ay kasoo gaadhay Atalanta waxay u ahayd middii shanaad ee xidhiidh ah ee dhamaan tartamada oo afar ka mid ah ay horyaalka LaLiga ahaayeen.

Tababare Zidane, waxa ciyaartii ugu dambaysay horyaalka ee Real Valladolid guusha u horseeday Casemiro oo goolka madiga ah ee ay dhaliyeen u saxeexay, halka uu Ferland Mendy ahaa xiddigii indhaha jamaahiirta  ka yaabiyey ee goolka quruxda badan ku khaarajiyey Atalanta.

Markii iskugu dambaysay labadan kooxood ee ay ku ciyaaraan garoonkan oo ahayd xili ciyaareedkii hore, Real Madrid ayaa 3-1 ku garaacday Real Sociedad, halka barbarro ay kusoo kala baxeen kulankoodii horraantii xili ciyaareedkan ee San Sebastian.

Marka ay ciyaartani soo dhamaato, Real Madrid waxay isku diyaarin doontaa ciyaarta adag ee Axadda soo aaddan ay ku ballansan yihiin Atletico Madrid oo hoggaanka haysa, taas oo haddii ay ka guuleystaan ay dhibco ahaan la sinmi doonaan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Real Sociedad

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here