Chelsea & Man United Oo Isku Garab Dhacay, Rikoodhka Tuchel Oo Weli Taagan.

0
248

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge iyagoo ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah ka dib ciyaar adag oo ay soo bandhigeen.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Manchester United ay barbareysay rikoodhkii guuldarro la’aanta kulamada martida ee Premier League ee Chelsea iyagoo aan haatan laga badinin 20 kulan oo ay marti ahaayeen horyaalka laga soo bilaabo 20kii bishii Febraayo. Rikoodhka waxaa heysta Arsenal oo aan laga badinin 27 kulan oo marti ah horyaalka Ingariiska.

Dhanka kale tababare Tomas Tuchel ayaa isna si adag u difaacanaya rikoodhkiisa guuldarro la’aanta ee tan iyo markii uu noqday macalinka kooxda Chelsea isagoo aan weli dhadhaminin guuldarro.

Man United ayaa weli ku jirta kaalinta 2aad iyagoo leh 50 dhibcood waxay 12 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Man City halka Chelsea ay ku jirto kaalinta 5aad iyagoo leh 44 dhibcood, waxay afar dhibcood dheer yihiin Liverpool oo caawa ciyaareysa oo kaalinta lixaad ku jirta.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo bilowgiiba VAR lagu qasbay inay dib u eegis ku sameysay kubad ay gacanta ku wada taabteen Hudson-Odoi iyo Mason Geenwood oo ku dhex jiray xerada goolka Chelsea.

Muuqaalka ku celiska ayaa muujiyay in Hudson-Odoi uu kubada gacanta ku hor taabtay ka hor inta uusan gacanta ku sii taaban Greenwood, iyadoo garsooraha uu shaashada eegay haddii ay rigoore tahay, laakiin wuxuu go’aansaday inuusan rigoore ka dhigin Hudson-Odoi isagoo u sababaeeyay inay kama aheyd.

Wixii dhacdadaas ka danbeeyay waxaa hoos u dhacay tayadii iyo xamaasadii ciyaarta iyadoo fursadii ugu fiicneyd ay heshay Chelsea ka dib kubad madax aheyd uu goolka United ku sigay Olivier Giroud kasoo uu soo dhigay Hudson Odoi. Waxaa lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah.

Waqtigii nasashada tababare Thomas Tuchel ayaa bixiyay Calum Hudson-Odoi isagoo qeybtii labaad ku soo bilaabay Reece James. Afar daqiiqo markii ay socoyay qeybta labaad Chelsea ayaa heshay fursad weyn iyadoo De Gea uu kubad cajiib ah

ka badbaadiyay Hakim Ziyech ka dib markii uu Ben Chilwell meel cidlo ah uga soo tagay Wan-Bissaka.

10kii daqiiqo ee ugu horeysay qeybta labaad si la mid ah qeybtii hore Chelsea ayaa kubada heysatay inta badan, laakiin Man United ayaa weerar deg deg ah qaaday daqiiqadii 60aad iyadoo kubad loo celiyay Soctt McTominay oo darbo kulul oo halis aheyd goolka ku tuuray uu soo badbaadiyay goolhaye Mendy.

Intii ay ciyaarta sii socotay, Chelsea waxay ku tashaneysay kubadeeda baaska aheyd halka Man United ay sugeyso inay hesho kubada rogaalcelis ah laakiin labada kooxood ma aysan iska heleynin fursado waa weyn.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here