Madaxwaynaha Nigeria oo si adag kaga Hadlay afduubka Caruurta iskuuleyda ee wadankiisa.

0
188

JOWHAR(Radio-isnaay) Madaxweynaha Nigeria Muxamaduu Buhari ayaa sheegay in dowladdiisa aanay u jilci doonin handadaadda uga imanaysa kooxaha dambiilayaasha ah ee bartilmaameedsanaya carruurta iskuulayda ah ee aanan waxba galabsan.

Bayaanka madaxweynaha ayaa dabasocday afduubka 317 gabdho iskuulay ah oo Jimcihii laga afduubtay iskuul ku yaal waqooyi galbeed Nigeria.

Bayaan oo ku qornaa luuqad adag ayuu madaxwayne Buhari ku sheegay in dowolad goboleedyada dalkaasi laga doonayo in ay dib u eegis ku sameeyaan nidaamyadooda ah in dambilayaasha lagua baalmariyo lacago iyo gawaari,.

Waxaa uu madaxwaynaha ku celiyay oo kali ah wax sanooyiin badan uu sheegayay mamaulkiisa, taasi oo ah in aysan wadaxaajood la gali doonin burcadda afduubyada geysta.

Iyada oo ay arrintan jirto ayaa waxaa hadana sare u si kacay caruurta iskuuleyda ee afduubka loo geysanayo.

Afduubkii ugu dambeeyay ee ka dhacay goobta lagu magacaabo Jangebe, ayaa waxaa uu dadka dib u xusuusinayaa , afduubkii 2014 loo geystay 276 gabdhood oo oo dhiganayay iskuul ku yaalla magaalada Chibok.

Mr Buhari ayaa sheegay in uusan nasan doonin ilaa gacanta looga soo dhigayo gabdhihii laga afduubtay Chibok.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here