Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya  Oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay COVID-19 Ee Dalka.

0
220

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 138 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (117) Somaliland (10) Koonfur Galbeed (6) Hirshabeelle (3) iyo Galmudug (2) qof, 89 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 49-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,687 waxaa bogsootay 3,784 Ruux. guud ahaan 223 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here