Real Madrid Oo Guul Ciriiri Qiimo Weyn Leh Ka Gaartay Xiddigaha Atalanta. 

0
309

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gool soo daahay uu dhaliyay Ferland Mendy ayay Real Madrid kaga badisay Atalanta oo marti loo ahaa lugta hore ee wareega 16ka Champions League iyadoo Los Blancos ay faa’ido weyn heshay ka hor lugta labaad.

Kulankaan ayaa ku bilowday jawi qasan iyadoo Atalanta uu casaan muran uu ku jira uu ka qaatay Remi Freuler daqiiqadii 17aad kaasoo qalad ku galay Vinicius Jr oo goolka u furnaa.

Real Madrid dhankooda waxaa jaale ka qaatay daqiiqadii 23aad Casemiro taasoo la micno ah inuu ganaax ku seegayo kulanka lugta labaad ee bisha danbe martida loo noqonayo Los Blancos.

Marka laga soo tago labadaas dhacdo, waxa kaliya ee ciyaarta laga calaamadeyn karay waxay aheyd fursad dahabi aheyd oo Los Blancos soo martay dhamaadkii qeybta hore markaasoo karoos uu soo dhigay Kroos uu madaxeeyay Casemiro laakiin waxay ku dhacday goolhaye Gollini.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa sidoo kale aheyd mid caajis badan iyadoo labada kooxood aysan abuurin fursado muuqda ilaa daqiiqadii 86aad markaasoo ay Real Madrid heshay goolka guusha oo ay si weyn ugu baahneyd.

Ferland Mendy ayaa kubad gantaal ah ka dhaliyay meel 30 mitir u jirta goolka taasoo neef weyn ka fujisay tababare Zinedine Zidane.

Los Blancos ayaa guul iyo gool ku soo gaartay Talyaaniga ka hor lugta labaad ee ay ku balansan yihiin Madrid seddex isbuuc ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here