Dowladda Uganda oo Beenisay in Madaxweyne Musaveni Si Qarsoodi ah looga Tallaalay Covid-19.

0
263

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiiradda Caafimaadka ee dalka Yugaandha, Jane Aceng, ayaa beenisay warar sheegaya in xubno sare oo ka tirsan dowladda la siiyay tallaalka la dagaallanka Covid-19, ka hor inta uusan waddankaas si rasmi ah u helin tallaalka.

Marwo Aceng oo ka jawaabeysay warka ku saabsan in si qarsoodi ah loo tallaallay madaxweyne Yoweri Museveni iyo madaxda ku hareereysan ayaa gabi ahaanba beenisay arrinkaas.

Wasiiradda aya aqoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxa ay ku tiri “Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aanu madaxweynaha iyo saraakiisha ku hareereysan midna aanay qaadanin tallaalka Covid-19 sida ay ku warrameen wageysyada Daily Monitor iyo Wall Streey Journal”

Warkaas waxaa markii hore shaaciyay wargeyska kasoo baxa gudaha Yugaandha ee Daily Monitor iyo wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo Wall Street Journal.

Qoraal iyo sawir Twitter-ka lasoo dhigay ayey wasaaraddu ku sheegtay in madaxweynaha iyo xubnaha kale ee madaxtooyada midna aan la siinin wax tallaal ah.

Yugaandha ayaa ilaa hadda soo tebisay in ay diiwaan gelisay 40,221 kiis oo fayraska Korona ah.

Waddankan ayaa rajeynaya in uu macaawino ahaan u helo 100,000 oo ah tallaalka loo yaqaanno AstraZeneca, taasoo uu ka sugayo Hindiya. Sidoo kale 300,000 oo tallaalka Sinopharm ah ayey dowladda Yugaandha ka sugeysaa Shiinaha.

Lama xaqiijinin waqtiga uu tallaalka gaarayo Yugaandha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here