Cristiano Ronaldo Oo Hogaanka Gooldhalinta Kala Wareegay Romelu Lukaku.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Juventus ayaa guul raaxo leh oo 3-0 ka gaartay kooxda Crotone iyadoo Cristiano Ronaldo uu labo gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta halka Weston McKennie uu gool seddexaad ku daray qeybtii labaad.

Goolasha uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa la micno ah inuu la wareegay hogaanka gooldhalinta horyaalka Serie A isagoo haatan ku haya 18 gool wuxuu hal gool dheer yahay xiddiga Inter Milan Romelu Lukaku.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkii 14aad ee isku xigta dhalinaya 25 gool ama ka badan.

Kooxda horyaalka Serie A heysata ayaa wadada guusha cagta soo saartay iyagoo ugu awood sheegtay garoonkooda Allianz Stadium kooxda ugu hooseysa Serie A ee Crotone laakiin ciyaarta waxay ku bilaabatay si caajis ah.

Juventus ayaa si tartiib ah u la wareegtay koontaroolka ciyaarta laakiin waxay iska qasaariyeen fursado badan ka hor inta uusan Ronaldo shabaqa soo taabanin daqiiqadii 38aad ee ciyaarta.

Waxa uu goolkiisa labaad ku darsaday kaliya daqiiqo ka dib iyadoo labada goolba ay ahaayeen kuwa madax cajiib ah uu ku garaacay goolhaye Alex Cordaz.

Waxay Bianconeri waqtigii nasashada ku aaday iyagoo 2-0 ku hogaaminaya ciyaarta.

McKennie ayaa goolka seddexaad ku daray qeybtii labaad iyadoo xiddiga Mareykanka uu meel dhow ka dhaliyay kubad koorno aheyd oo la soo qaaday.

Juventus ayaa soo gashay kaalinta seddexaad ee Serie A iyagoo leh 45 dhibcood, waxay sideed dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Inter Milan laakiin Bianconeri kulan ayaa u harsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here