Ronald Koeman Oo Shaaciyey Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka Cadiz.

0
232

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababare Ronald Koeman ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Cadiz ee horyaalka LaLiga, kuwaas oo habeen dambe u dagaal geli doona sidii ay ugu soo laaban lahaayeen dariiqa guusha kaddib burburkii ay PSG ugu geysatay Camp Nou Salaasadii.

Barcelona oo guulo xidhiidh ah ka samaynaysay tartamada maxalliga ah, ayaa waxa jidka ka goysay Paris Saint-Germain oo iyagoo jooga Camp Nou ku garaacay 4-1.

Kooxda reer Spain ayaa u baahan inay niyadda dhisato mar kale oo ay ka shaqayso sidii ay usoo qaban lahayd Atletico Madrid iyo Real Madrid oo kaalmaha koowaad iyo labaad kaga jira horyaalka LaLiga.

Kulankan, waxa Barcelona dhaawac kaga maqan xiddigaha ay ka midka yihiin Ronald Araujo, Ansu Fati, Philippe Coutinho iyo Sergi Roberto.

Laakiin waxa taam ah Gerard Pique oo ciyaartii PSG garoomada kusoo laabtay, isla markaana saluug laga muujiyey bandhiggiisa, hase yeeshee tababarka si adag u qaadanayay maalmihii ugu dambeeyey.

Ronald Koeman ayaa liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulanka Cadiz waxa uu kusoo buuxiyey laacibiin da’ yar, oo fursad uu siin doono haddii uu waqti hore guusha xaqiijisto.

Laacibiintan ayaa waxa ka mid aiLaix Moriba, Konrad de la Fuente iyo Alex Collado.

Halkan kaga bogo liiska xiddiga Barcelona ee  kulanka Cadiz:

Goolka: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena.

Difaaca: Sergino Dest, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Oscar Mingueza.

Khadka Dhexe: Sergio Busquets, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Pedri, Matheus Fernandes, Frenkie de Jong.

Weerarka: Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Francisco Trincao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here