Liverpool Oo Ciyaartii 4aad Lagu Garaacay Garoonkeeda Anfield.

0
228

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Everton ayaa guushii ugu horreysay qarniga 21aad kasoo gaadhay Liverpool oo ay ugu tagtay garoonka Anfield, halkaas oo ay ka keentay saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey tan iyo sannadkii 1999kii.

Liverpool ayaa mushkiladdii ugu weynayd ku jirta, waxaana garoonkeeda Anfield lagaga badiyey ciyaartii afraad ee xidhiidh ah, taas oo uga dhigan rikoodhkii ugu xumaa tan iyo 1923kii.

Tababare Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa ayaa ciyaartan kusoo galay dardar ay doonayeen inay dariiqa guusha oo ay ka maqnaayeen saddex ciyaarood ay ugu soo laabtaan, hase yeeshee Everton ayaa ku garaacday 2-0, iyadoo goolka horena uu ahaa mid lagu qoray diiwaanka taariikhda.

Weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison ayaa daqiiqaddii 3aad ee ciyaarta gool degdeg ah ka dhaliyey Liverpool, iyadoo uu goolhaye Alisson dhaafiyey kubbad awood badan kaddib markii uu difaacyada Henderson iyo Kabak uu ka farsameeyey James Rodriguez oo kubadda uga soo dhex-saaray.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan tahay siddeed daqiiqadood ayaa Everton loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Sigurðsson oo beddel kusoo galay.

Liverpool oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa awoodi weyday inay gasho xayndaabka Everton oo Ancelotti uu difaacyo adag dhigay, hase yeeshee Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa fursado ay heleen aan ka faa’iidaynin.

Guul-darradan soo gaadhay Liverpool ayaa uga dhigan in afar ciyaarood oo horyaalka ah oo isku xiga laga badiyey markii ugu horreysay tan iyo 2002. Halka afar ciyaarood oo isku xigta oo lagu garaaco Anfield ay ugu dambaysay sannadkii 1923kii.

Taariikhdan madow ee Liverpool loo diiwaangeliyey waxa uga sii daran, in horyaalka Premier League ay wali fadhiyaan kaalinta lixaad, iyagoo isku dhibco ah Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here