Maamulka Biden oo Isbadal Ballaaran ku Sameynaya Xiriirka Sacuudiga.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Toddobaadkan maamulka madaxweyne Joe Biden waxa uu bixiyay tilmaan dheeri ah oo ku saabsan sida ay u qorsheyneyaan in ay isaga fogeeyaan siyaasadaha ku aaddan Bariga Dhexe ee madaxweynihii isaga ka horreeyay, Donald Trump.

Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in madaxweynaha uu damacsan yahay inuu “dib u qiimeeyo” xidhiidhka uu la leeyahay xulafada muhiimka ah ee Mareykanka, Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Trump, oo uu sii mariyey wiilka uu sodogga u yahay Jared Kushner, ayaa xidhiidh dhow oo shaqsi ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, isaga oo si weyn u siiyay madax-bannaani sida ay ugu adeegsadeen hubkii uu Mareykanku keenay Yemen.

 

Madaxweyne Biden, waxay umuuqataa inuu doorbidayo inuu la macaamilo aabihiis, Boqor Salmaan, oo 80-madiisa ku jira caafimaadkiisuna liito. Hadda wixii ka dambeeyana, bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, siyaasadda Mareykanka ayaa loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo ku dhaqanka sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha

Haddaba maxay taasi uga dhigan tahay labada dalba? Waa maxay se halista halkan ku sugan ee ay wejahayaan Washington iyo Riyadh?

Amiirka leh Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, oo loo yaqaan MBS, waxay uga dhigan tahay waqtiyadii wanaagsanaa ee xilligii madaxweyne Trump ay gebi ahaanba dhammaadeen.

Si Sucuudigu u sii haysto Mareykanka inuu yahay saaxiibkiisa istiraatiijiga ah iyo “dalladda amniga” muddada dheer, waxa ay u badan tahay in wax la isku raaco, si loo waafajiyo qaab ka duwan fikirka Aqalka Cad.

Isbahaysiga Sacuudiga iyo Mareykanka wuxuu leeyahay xididdo qoto dheer. waxa uuna dib ugu noqonayaa kulan taariikhi ah oo ku dhex maray markab dagaal oo

Mareykanku lahaa aasaasihii Sacuudi Carabiya, King Abdulaziz iyo Madaxweyne Roosevelt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here