Arsenal & Benfica Oo Isku Garab Dhacay, Napoli Oo La Garaacay.

0
198

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa barbaro niyadjab leh kala kulantay kooxda Benfica oo marti loo ahaa lugta hore ee wareega 32da Europa League iyagoo ku kala baxay barbaro gool iyo gool ah.

Gunners ayaa ciyaar wacdarro leh soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo kabtan Pierre-Emerick Aubameyang uu qasaariyay kubad u baahneyd kaliya inuu shabaqa ku taabto oo aan la aamini karin inaan banaanka marsiiyay.

Weeraradii isdaba jooga ahaa ee Arsenal ay qaadeysay qeybtii hore waxba kuma aysan keenin iyadoo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Benfica heshay fursad ay hogaanka kula wareegto markii Arsenal laga dhigay rigoore iyadoo Emile Smith-Rowe uu kubad gacanta ku taabtay, waxaa rigoorada u soo istaagay Pizzi oo shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 55aad ee ciyaarta.

Labo daqiiqo ka dib Arsenal ayaa barbareysay ciyaarta markii Bukayo Saka shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Cedric Soares iyadoo ay aheyd goolkiisii ugu horeysay ee Europa League ee xilli ciyaareedkan oo uu saftay seddex kulan.

Gunners ayaa isku dayday inay hesho goolka guusha laakiin waa ay awoodi weysay iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbaro gool iyo gool ah, waxaana isbuuca danbe lugta labaad ay ka dhici doontaa garoonka Emirates Stadium iyadoo Gunners ay faa;ido qabto madaama ay gool marti ah soo heshay.

Dhanka kale kooxda Ajax ayaa 2-1 ku dubatay Lyon oo marti loo ahaa iyadoo Ajax ay guul soo laabasho cajiib ah gaartay iyagoo labo gool ku dhaliyay labadii daqiiqo ee ugu danbeysay ee ciyaarta, Dusan Tadic ayaa rigoore ku barbareeyay daqiiqadii 87aad ka hor inta uusan goolka guulka dhalinin Brobbey daqiiqadii 89aad.

Kulan faraha looga gubtay oo dhexmaray kooxda Steven Gerrard ee Rangers iyo kooxda reer Belgium Antwerp ayaa ku soo dhamaatay barbaro 4-3  oo ay Rangers ku badisay.

Rangers ayaa hogaanka ku hormartay ka hor inta aan labo gool oo degdeg ah oo midi ay rigoore aheyd laga dhalinin dhamaadkii qeybta hore. Rangers ayaa rigoore

ku barbareysay qeybtii labaad ka hor inta aysan kooxda reer Belgium hogaanka soo ceshanin laakiin Ryan Kent ayaa u barbareeyay kooxda tababare Gerrard iyadoo Barsic uu rigoore ku dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ciyaarta.

Dhanka kale waxaa iyagana barbaro 3-3 ku kala baxay kooxaha Molde iyo Hoffenhiem. Kooxda Villarreal waxay iyadana 2-0 kaga badisay Salzburg oo marti loo ahaa.

Kooxda reer Spain ee Granada ayaa ka naxsatay kooxda weyn ee Talyaaniga Napoli iyagoo ku garaacay 2-0 ciyaar Spain ka dhacday, tababare Gattuso ayaa u baahan guul weyn kulanka Talyaaniga ka dhacaya.

Kooxda Shakhtar Donetsk ayaa iyadana 2-0 ku garaacday kooxda yahuuda ee Tel Aviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here