FC Porto Oo Soo Garaacday Juventus Iyo Dortmund Oo Karbaashtay Sevilla.

0
199

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Juventus ayaa guul-darro xanuun badan loogu soo xambaariyey waddanka Portugal oo ay marti ugu ahayd FC Porto, waxaana laba gool oo laga dhaliyey daqiiqadihii ugu horreeyey labadii qaybood, ay sabab u noqdeen in iyagoo guul-darro xambaarsan ay kasoo laabtaan dalkaas.

Kulankan oo saadaasha ugu badan la siinayay inay si fudud u guuleysan doonto Juventus, ayaa waxa kasoo baxday natiijo lama filaan ah, iyadoo daqiiqaddii labaad ee bilowga ciyaartaba lagu derderay gool kala daadiyey qorshihii ciyaareed ee uu garoonka kusoo galay Andrea Pirlo.

Mehdi Taremi ayaa FC Porto hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 2aad, waxaana kubbad ay difaaca Juventus u goleeyeen, uu ku hubsaday shabaqa goolhaye Wojciech Szczesny.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaanay jirin fursado badan oo ay labada kooxood heleen, laakiin kooxda Talyaaniga ayaan laga helin kubaddii laga sugayay iyadoo si fudud u ahayd koox kubadda luminaysay, difaacooduna uu kala daadsan yahay.

Daqiiqaddii 2aad ee bilowga qaybta dambe ayaa mar kale Juventus laga dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta, waxaana FC Porto u saxeexay xiddigooda Marega oo difaaca oo soo wada taagan aadyar kubadda la dhex maray, kaddibna ku hubsaday goolka.

Waqti dambe ayay Juventus heshay gool uu u dhaliyey Chiesa, inkasta oo ay dhamaadkii ku doodeen rikoodhe iyadoo Ronaldo uu tirsanayay in lagu qaldamay. Ciyaartan ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday FC Porto, iyadoo kulanka dambena la isla tegi doono magaalada Turin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here