Man City Oo 10 Dhibcood Ku Qabatay Hoggaanka Primier league.   

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa 10 dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay 3-1 kusoo garaacday Everton oo ay ugu tagtay Goodison Park.

Manchester City ayaa loo diiwaangeliyey taariikh qariib ah iyadoo ciyaartii 17aad oo xidhiidh ah guuleysatay, waxaanay taasi ka caawisay inay horyaalka waqti horeba  u muuqdaan inay sii qaadanayaan.

Phil Foden ayaa Manchester City u dhiibay hoggaanka daqiiqaddii 32aad, laakiin waxa u jawaabay Richarlison oo ka hor intii aan nasashada loo bixin ciyaarta  kusoo celiyey barbarro.

Qaybtii labaad ayay Manchester City lasoo kala baxday awood, waxaana goolka labaad u dhaliyey Riyad Mahrez, iyadoo uu mid saddexaadna ku daray Bernardo Silva.

Manchester City ayaa yeelatay 56 dhibcood, waxaanay toban dhibcood ka horreysaa Manchester United iyo Leicester City oo haysta min 46 dhibcood, halka naadigii horyaalka difaacanayay ee Liverpool na ay ka sarreeyaan 16 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

EVERTON (3-4-3): Jordan Pickford; Yerry Mina, Michael Keane, Mason Holgate; Ben Godfrey, Tom Davies, Abdoulaye Doucoure, Lucas Digne; Gylfi Sigurdsson, Alex Iwobi, Richarlison.

Kaydka: Robin Olsen, Seamus Coleman, Niels Nkounkou, Andre Gomes, Tyler Onyango, Fabian Delph, Bernard, James Rodriguez, Joshua King.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Joao Cancelo; Bernardo Silva, Rodrigo, Phil Foden; Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Gabriel Jesus.

Kaydka: Zack Steffen, John Stones, Eric Garcia, Oleksandr Zinchenko, Benjamin Mendy, Fernandinho, Kevin De Bruyne, Ferran Torres, Sergio Aguero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here