PSG Oo Xasuuqday Barcelona Oo Camp Nou Joogta iyo Mbappe Oo SADDEXLEY Taariikhi Ah Dhaliyey.

0
179

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta PSG ayaa xasuuq u geysatay Barcelona oo ay ugu tagtay garoonka Camp Nou, waxaanay kusoo burburisay 4-1, ciyaar uu Kylian Mbappe saddexlay xaqiijistay.

Barcelona oo garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaa gool rikoodhe ahaa uu Lionel Messi ugu furay dhalinta goolasha, waxaase ka jawaabay Kylian Mbappe oo natiijada qaybta hore kusoo xidhay 1-1.

Qaybtii labaad ayuu burburka ugu weyni ku dhacay Barcelona oo marka laga yimaaddo goolasha si aad ah looga ciyaar wanaagsanaa, iyadoo waliba ku sugan garoonkeeda.

Kylian Mbappe ayaa goolka labaad ka dhaliyey iyadoo uu shabaqa ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig ka keenay Florensi oo kasoo faa’iidaystay kala-daadsanaanta difaaca Barca oo badhtamaha garoonka uu kaga yimid, waxaanu Mbappe si xarrago leh kubadda u dhaafiyey Ter Stegen.

Goolka saddexaad ee PSG ayuu madax ku dhaliyey laacibka madowga ah ee Moise Kean oo kubbad laag xor ahayd oo uu soo tuuray Peredes ku hubsaday goolka, waxaana uu madaxan ku garaacay Lenglet oo ahaa laacibka xidhayay.

Kylian Mbappe ayaa ciyaarta kusoo xidhay saddexlay taariikhi ah oo uu Camp Nou ku dhaliyey, waxaanu kubbad xeego ah dhaafiyey goolhaye Ter Stegen oo waxba ka qaban kari waayey kubbad awood badan, kana dallacnayd oo uu xiddiga reer France si cajiib ah usoo jaray.

Ciyaartan oo ahayd lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Champions League ayay PSG guushu ku raacday 4-1 iyadoo waliba joogtay Camp Nou oo ay marti ku ahayd. Lugta labaad ayay labada kooxood isla tegi doonaan Parc des Princes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here