Waa Maxay Sababta Sawirkan Loogu Dhejiyey Albaabka Garoonka San Siro Stadium?

0
198

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sawirka dagaalkii Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku ee kulankii Milan derby ee tartanka Coppa Italia ayaa lagu dhejiyey alaabka laga galo garoonka labada kooxood ay wadaagaan ee San Siro.

Arrintan oo la sameeyey maalmo ka hor ciyaarta xaasaasiga ah ee labada kooxood ay foodda isku-dari doonaan isla garoonkan, warbaahinta Talyaaniguna ay ku tilmaameen middii go’aaminaysay horyaalka Serie A, ayaa waxay hadal hayn badan ka abuurtay dalkaas.

Maalintii Axaddii ee shalay, ayaa waxa loogu soo toosay sawirkan oo lagu dhajiyey bannaanka garoonka, waxaana la rumaysan yahay in ujeeddadu tahay in xamaasadda ciyaarta cirka lagu shareero, isla markaana lasii shido colaad ka dhex abuuranta Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku oo kulankii hore uu qosolka ku dambeeyey xiddiga madow ee reer Brazil.

Sawirka oo uu dib usii farsameeyey farashaxaniste ay muuqato inuu u janjeedho dhinaca AC Milan, ayaa waxa uu muujinayaa Lukaku oo wajniga jug laga gaadhsiiyey, dibna uu u diicsamay, taas oo aan ahayn sidii xaqiiqada dhacdadu ahayd.

Qoraal lagu soo dhejiyey ayaa lagu yidhi: “Waji ka waji, qalbi ka qalbi.”

Dhacdada sawirkan ayaa ahayd 26kii January oo ay labada kooxood guushu ku raacday Inter Milan xilli ciyaartana uu qariyey dagaalkii Ibrahimovic iyo Lukaku, isla markaana kaadh cas loo taagay Ibra bilowga qaybta dambe markii uu sameeyey qalad kale.

Laag xor ah oo uu dhaliyey Christian Eriksen daqiiqaddii 97aad ayaa Inter Milan u go’aamiyey guusha ciyaartaas iyadoo dabbaal-deggii kaddibna lagu kala yaacay oo uu garsooruhu afuufay siidhiga dhamaadka.

Ibrahimovic ayaa lagu eedeeyey in ciyaartaas uu cunsuriyad kula kacay Lukaku, iyadoo la maqlayay inuu ku yidhi ereyo ay ka mid ahaayeen: “Waxaad tahay dameer yar” iyo kelmado kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here