Barcelona Oo Fariin U Sii Dirtay PSG Ka Dib Xasuuq Ay Camp Nou Ugu Geysteen Deportivo Alves.

0
258

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa fariin adag u sii dirtay Paris Saint-Germain ka hor kulankooda Champions League iyagoo 5-1 ku xasuuqay kooxda Deportivo Alaves oo marti ku aheyd garoonka Camp Nou.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Barcelona ay ku jirto kaalinta labaad ee horyaalka La Liga iyagoo sideed dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Atletico Madrid kuwaasoo kulan uu u sii harsan yahay.

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay kulanka iyaga oo kooxda Deportivo Alaves ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Dhanka kale Alaves ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonaysay in ay Barcelona kaga naxsato goolal-na ugaga hor marto.

Daqiiqadii 29-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Francisco Trincao kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 35-aad dhalisay gool kale laakiin goolkaas waxa laga diiday xiddiga Griezmann oo Offise ku jiray

Barcelona ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale oo ay ciyaarta ku disho xilli ay Deportivo Alaves ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 45-aad ayay Barcelona heshay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay kabtanka kooxda ee Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona wax walba ku fiicnayd hadii ay tahay qaab ciyaareed iyo natiijo ahaanb.

kooxda Deportivo Alaves ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan inta uuna wakhtigu ka dhicin.

Daqiiqadii 57-aad ayay Barcelona dhalisay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luis Rioja kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay ciyaartu dib ugu furantay.

Laakiin xiddiga Francisco Trincao ayaa sii waday wacdarihiisa waxana uu daqiiqadii 74-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisii 2-aad ee shaqsiga ahaa.

Isla daqiqiadi kadib gaar ahaan daqiiqadii 75-aad ayuu Lionel Messi dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa iyo goolkiisii 2-aad ee shaqsiga ahaa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4-1.

Daqiiqadii 80-aad ayay kooxda Barcelona dhalisay goolka 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Junior Firpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 5-1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona xasuuqday kooxda Deportivo waliba si fiican ugu diyaar garawday kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan PSG Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here