Qaramada Midoobay oo ka Deyrineysa Macluusha Soo Foodsaarta Carruurta Yemen.

0
296

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa boggagooga hore ku daabaca warar tibaaxaya in kumanaan carruura oo Yemeniyiin ah ay soo food saartay macaluul ba’ani.

Wargayska The Independent ayaa warbixin uu weriyahooda Bariga Dhexe uga soo waramaa soo diray ciwaan uga dhigay “Afar boqol oo kun oo carruur ah ayaa Yemen macaluul darteed geeri qarka u saaran”.

Warbixintu waxay tibaaxaysaa in Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad nus malyuun carruur ah oo shan jir ka yari ay gaajo ugu dhiman doonaan Yemen hadii aan gargaar deg deg ah la helin. Waxaanay intaa ku dartay in boqolkiiba konton caruurta shan jirka ka yar ee dalkaas oo dhan ay sidoo kale haysato nafaqo darro ba’ani.

Warbixintu waxa kale oo ay farta ku fiiqday in ay suurto gal tahay in afar boqol oo kun oo caruur ahi ay haysato nafaqo darro ba’ani, taas oo macnaheedu yahay in ay geeri qarka u saaran yihiin hadii aan si deg deg ah loo daweyn, tiradaas oo 22% ka badan haatan intii ay ahayd sannadkii 2020.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in colaadda taagan, safmarka korona iyo is beedelka cimiladu ay keeneen in Yemen sii baa’ado. Waxaana haatan dadka ku nool dalkaas oo tiradoodu ku dhawdahay 30 milyan oo qof 80% ka mid ah noloshoodu haatan toos ugu xidhan tahay gargaarka aadamenimo.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in hooyooyinku ay sidoo kale iyagana dhibaato weyni ka gaadhay colaadda jirta, waxaanay ku qiyaastay 1.2 milyan oo haween uur leh in ay qudhooda nafaqo darro ba’ani sannadkan soo food saartay.

“Yemen waxay haatan ka mid tahay dalalka ugu xun ee carruuri ku noolaan karto dunida” ayay tidhi Qaramada Midoobay.

Dagaalka oo ay ku dhinteen in ka badan 110,000; wuxuu horseeday musiibadii bani’aadannimo ee ugu darneyd dunida, iyadoo malaayiin qof ay qarka u fuuleen macluul; dalkana wuxuu u nugleeyay xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here