Isku-aadka Wareegga 8da FA Cup Oo La Shaaciyey iyo Man City oo Everton ku Beegantay.

0
242

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isku-aadka wareegga siddeedda tartanka FA Cup ayaa la shaaciyey, waxaana kasoo baxay kulamo xiiso badan kaddib markii ay afka iska galeen naadiyo colaadi ka dhaxayso.

Tartanka FA Cup ee xili ciyaareedkan oo kooxdii difaacanaysay ee Arsenal ay ku hadhay wareegga afraad ayaa waxa marxaladda siddeeda iska soo xaadiriyey kooxo waaweyn, sida Manchester City, Manchester United, Leicester City iyo Sheffield United oo mar horeba isasoo xaadiriyey, waxaana kula biiray Bournemouth oo ah kooxda kaliya ee heerka labaad ah ee wareeggan usoo gudubtay, Everton iyo Southampton oo fiidkii caawa kasoo dul-tallaabsatay Wolves, wareeggii horena kusoo reebtay Arsenal.

Chelsea oo la ciyaaraysa Barnsley ayaa isku-aadkeeda lasii sameeyey iyadoo aanay wali soo bixin natiijada ciyaartaasi, laakiin waxay midkooda soo baxaaba sii ogyahay kooxda ay la ciyaari doonto wareegga siddeeda.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa wareegga siddeeda waxay isku beegmeen Everton oo wareeggii hore ciyaar musalsal ah ku garaacday Everton, waxaana sidaas ku kala badbaaday labada kooxood ee reer Manchester.

Southampton oo wacdaro soo dhigaysay wareegyadii hore oo dhan ayaa u muuqata inay lug lasii gashay wareegga afarta waxaanay isku dhaceen Bournemouth.

Manchester United ayaa mari doonta imtixaan adag, waxaanay wareegga siddeedda la ciyaari doontaa Leicester City oo ay u tegi doonto, iyadoo u baahan inay iska soo reebto Brendan Rodgers iyo xiddigihiisa haddii ay doonayaan inay kusii dhowaadaan koobka.

Chelsea ayaa ka badbaadday kooxihii adkaa, waxaana haddii ay caawa kasoo badiso Barnsley ay wareegga xiga la ciyaari doontaa naadiga ugu hooseeya horyaalka Premier League ee Sheffield United.

Isku-aadka wareegga siddeedda FA Cup oo dhamaystiran:

Leicester City vs Manchester United

Everton vs Man City!

Bournemouth v Southampton

Chelsea/Barnsley vs Sheffield United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here