Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyey Inuu Lasoo Saxeexan Doono Erling Haaland.

0
522

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel  ayaa xaqiijiyey in qorshihiisu yahay inuu lasoo saxeexdo labada ciyaartoy ee ay inta badan kooxaha Yurub raadinayaan ee Erling Haaland iyo Dayot Upamecano.

Tuchel oo laba toddobaad laba toddobaad ka hor loo magacaabay xilka tababarenimo ee Blues oo uu ka beddelay Frank Lampard ayaa qaab wanaagsan kula bilowday, waxaana afartii ciyaarood ee uu hoggaamiyey uu saddex ka mid ah usoo hooyey guulo, halka ciyaarta kalena ay barbarro galeen.

Tababaraha reer Germany ayaa rajaynaya in marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu uu heli doono lacag uu kusoo iibsado ciyaartooyo cusub oo uu safkiisa dibu-habayn ugu sameeyo, waxaana u calaamadsan laba boos oo ah weerar dhaliye ah iyo difaac.

Chelsea ayaa la sheegay inu muhiimadda koowaad ka dhigan doonto weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland iyo difaaca RB Leipzig ee Upamecano.

Laakiin Tuchel ayaa diiday inuu si dhab ah u xaqiijiyo in labadan ciyaartoy ay kooxdiisu u dhaqaaqi doonto, hase yeeshee waxa uu si dadban u qirtay inay xiisaynayaan, waxaanu yidhi: “Waan fahmi karyaaa waxa uu doonayo taageere kasta iyo in jamaahiirtu ay ka hadlaan arrintan.

“Aniga naf ahaantayda ayaa xiisaynaya oo doonaya waxa laga hadlayo (saxeexa Haaland iyo Upamecano), laakiin jid dheer ayaa inaga horreeya.”

Thomas Tuchel waxa kale oo uu xaqiijiyey in laacibka khadka dhexe ee N’Golo Kante uu si buuxda taam ugu noqday kulanka FA Cup ee Chelsea ay la ciyaari doonto Barnsley habeenka Khamiista. Waxa kale oo uu ka jawaabay hadal suuqa ku jiray oo sheegaya in laacibkan aanu ku habboonayn qaab ciyaareedka uu doonayo in Blues ay ku dheesho, waxaanu yidhi: “Way fududahay sababtoo ah, waxay ila tahay in N’Golo

uu ku habboon yahay qorshaha tababare kasta oo dunida jooga. Aad ayay iiga go’nayd inaan ku haysto kooxahayga. Waa ciyaartoy Chelsea, waa ciyaartoy weyn oo Chelsea ah iyo mid ka mid ah dhexda ugu wanaagsan dunida. Aad ayaan u nasiib badanahay inuu kooxdayda ka mid ahaado. Aad ayaan ugu nasiib badanahay inuu noosoo laabtay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here