Jarmalka Oo Diiday In Man City Soo Gasho Dalkaas Iyo Garoonka Lagu Ciyaarayo Kulanka Borussia Monchengaladbach Oo La Shaaciyey.

0
231

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa loo diiday inay tagto waddanka Jarmalka oo xayiraad saaray safarrada ugu imanaya waddanka Ingiriiska, waxaanay taasi isbeddel ku samaysay garoonkii ay ka dhici lahayd ciyaarta Champions League ee Borussia Monchengladbach oo lugta hore ay ka dhici lahayd Jarmalka February 24.

Dawladda Jarmalka ayaa dalkeeda ka mamnuucay in looga soo safro England maadaama uu dalkaas ka jiro fayraska Korona oo waji cusub yeeshay, dad badanna ay u dhinteen.

Xayiraaddan ayaa saamaysay laba ciyaarood oo Champions League ah oo kooxaha Manchester City iyo Liverpool ay bishan February Jarmalka ugu tegi lahaayeen Borussia Monchengladbach iyo RB Leipzig.

Arrintan ayaa keentay in isbeddel lagu sameeyo garoomadii ay ka dhici lahaayeen kuladan, waxaana hore loo go’aamiyey halka lagu ciyaarayo kulanka RB Leipzig iyo Liverpool oo lugtiisa hore lagu ciyaarayo garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest ee waddanka Hungry.

Sida ay UEFA ku shaacisay war-saxaafadeed ay soo saartay, ciyaarta Manchester City iyo Borussia Monchengladbach ayaa iyadana loo raray isla garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest oo lugta hore ee labadan kooxood ay ku ciyaari doonaan.

War-saxaafadeedka UEFA ayaa lagu yidhi: “UEFA waxay xaqiijinaysaa in lugta hore ee kulanka Champions League ee wareegga 16ka ee u dhaxeeya Borussia VfL 1900 Mönchengladbach iyo Manchester City FC, in uu ka dhici doona garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest.

“Taariikhda ciyaartani dhici doonto ayaa ah 24 February 2021 marka ay saacaddu tahay 21:00CET, waxna iskamay beddelin.

“UEFA waxay uga mahad celinaysaa Borussia VfL 1900 Mönchengladbach iyo Manchester City FC sida dhow ee ay uga wada shaqeeyeen, iskagana kaashadeen,

sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta Hungry oo ogolaaday in ciyaartan ay marti geliyaan.”

Garoonka Puskas Arena oo qaada 67,000 taageereyaal ah ayaa la furay sannadkii 2019kii, waxaana uu xagaagii martigeliyey tartanka European Super Cup iyadoo dhawr kulan oo Euro 2020 ahna lagu ciyaari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here