Xanuun Aan Wali lagaran Waxa uu yahay oo ka Dillaacay Tanzania.

0
221

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xanuunkan ayaa la soo sheegayaa in dadkii uu ku dhacay ay dhiig matagayaan.

Ilaa 15 qof ayaa la soo warinaya ain ay xanuunkan u geeriyoodeen halka kontomeeya kalena la dhiga cusbitaalka.

Saraakiisha caafimaadka ee degmada Chunya ayaa laga soo xigtay in bukaannada qaarkood ay ku dhinteen saacado gudahood.

Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ay koox khubaro ah u dirtay halkaas, si ay baadhitaan uga soo sameeyaan, laakiin waxay meesha ka saartay in uu dillaacay cudur.

Wasaaradda ayaa sheegtay in bukaannada uu xanuunku haleelay ay u badanyihiin rag kuwaa oo qaba xanuunnada ku dhaca caloosha iyo beerka.

Dorothy Gwajika, oo ah Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyihii degmada ee dhinaca caafimaadka oo warbaahinta la wadaagay xogo la xariira xanuunka.

Wasaaradda ayaa sheegtay calaamadaha xanuunka haatan la arkay ay yihiin kuwo ay horay u tebiyeen sanadkii 2018-kii.

Sidoo kale wasaaradda ayaa dadweynaha ku boorrisay in ay isdajiyaan maadaama ay hadda baadhitaan wadaan, waxayna ballan qaadday in ay xog dheeraad ah shacabka usoo gudbin doonto.

Dadweynaha reer Tanzania ayaa loogu baaqay in ay difaaca jirkooda ku xoojiyaan dawo dhaqameedyada xilli uu socdo cudurka safmarka ah ee corona.

Madaxweyne John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in fayraska uu ka dhammaaday dalkaas, wasaaradda caafimaadkuna waxay sheegtay in aysan qorsheyneynin soo iibsashada tallaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here