Man City Oo Anfield Ku Xasuuqday Liverpool iyo Rikoodhka Bahdilaadda Ah Ee Loo Diiwaan-geliyey Reds.

0
304

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa xasuuq u geysatay Liverpool oo ay ugu tagtay Anfield, waxaanay usoo xambaarisay guul-darradii saddexaad ee garoonkeeda loogu geysto, taas oo ah rikoodhkii ugu liitay ee Liverpool loo diiwaan-geliyo tan iyo 1963kii.

Manchester City ayaa Liverpool ku burburisay 4-1, iyadoo dhex-jiidh-jiiday Anfield oo la moodayay inay City iska leedahay, waxaana dhamaan goolasha oo yimid qaybtii labaad furay Ilkay Gundogan oo inyar kaddib uu Mohamed Salah ku barbarreeyey rikoodhe.

Goolhaye Alisson ayaa laba kubbadood oo hadiyado ah siiyey Manchester City saddex daqiiqadood gudahood, waxaana shabaqiisa u weydaariyey Gundogan iyo Raheem Sterling, halka mid afraadna uu ugu daray Phil Foden.

Manchester City ayaa toban dhibcood oo nadiif ah ka hor-martay Liverpool oo horyaalka difaacanaysa iyadoo ay waliba ciyaari baaqi u tahay, waxaanay taasi uga dhigan tahay Jurgen Klopp inay burburtay rajadoodii ay horyaalka ku difaacan lahaayeen.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, John Stones, Ruben Dias, Oleksandr Zinchenko; Bernardo Silva, Rodri, Ilkay Gundogan; Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Phil Foden.

Kaydka: Gabriel Jesus, Zack Steffen, Aymeric Laporte, Ferran Torres, Benjamin Mendy, Fernandinho, Eric Garcia, Tommy Doyle, Adrian Bernabe.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Jordan Henderson, Fabinho, Andrew Robertson; Georginio Wijnaldum, Thiago Alcantara, Curtis Jones; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: James Milner, Adrian, Alex Oxlade-Chamberlain, Ozan Kabak, Konstantinos Tsimikas, Xherdan Shaqiri, Divock Origi, Nathaniel Phillips, Neco Williams.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here