Chelsea Oo Guushii SADDEXAAD Oo Xidhiidh Ah Ugu Dabbaal-degtay Bramall Lane.

0
235

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa gaadhay guushii saddexaad oo xidhiidh ah oo uu tababare Thomas Tuchel ku hoggaamiyey, waxaanay 2-1 kaga soo adkaadeen Sheffield United oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Bramall Lane.

Blues ayaa dib usoo ceshatay guulaha xidhiidhka ah, iyadoo kasoo baxaysa dhibaatadii ay ku jirtay waqtigii Frank Lampard, waxaana afar ciyaarood oo uu Tuchel hoggaamiyey ay ka keeneen guushii saddexaad oo xidhiidh ah iyo midda kale oo barbarro uu kulankii koowaad ahaa.

Mason Mount ayaa dhamaadka qaybta hore gool-dhalinta u furay Chelsea isagoo shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Timo Werner, hase yeeshee bilowga qaybta labaad ayay Sheffield United u dabbaal-degtay gool uu iska dhaliyey Antonio Rudiguer ka hor intii aanu Jorginho rikoodhe kaga dhigin ciyaarta 2-1.

Sheffield United ayaa rikoodhe loo dhigay qaybta hore ee ciyaarta balse waxa VAR oo lasoo daawaday uu xaqiijiyey inuu jiray Offside ka hor intii aanu rikoodhuhu imanin.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Chelsea, waxaanay Blues soo cidhiidhsatay kaalinta shanaad iyagpp ueesjau 39 dhibcood, isla markaana hal dhibic kaliya ka hooseeya Liverpool oo afraad fadhida.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA STARTING XI (3-4-1-2): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Andreas Christensen, Antonio Rudiger; Reece James, Jorginho, Mateo Kovacic, Ben Chilwell; Mason Mount; Olivier Giroud, Timo Werner.

Kaydka: Marcos Alonso, Tammy Abraham, Hakim Ziyech, Callum Hudson-Odoi, N’Golo Kante, Billy Gilmour, Kurt Zouma, Kepa Arrizabalaga, Emerson.

SHEFFIELD UNITED STARTING XI (3-5-2): Aaron Ramsdale; Chris Basham, John Egan, Kean Bryan; Jayden Bogle, John Lundstram, Oliver Norwood, John Fleck, Max Lowe; Oliver Burke, Oliver McBurnie.

Kaydka: Rhian Brewster, Ben Osborn, Billy Sharp, David McGoldrick, Phil Jagielka, Wes Foderingham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here