WHO oo Shaacisay Waddamada Aan Heli doonin Tallaalka Covid-19.

0
429

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in dalalka Tanzania iyo Burundi aanay ka mid ahayn dalalka heli doona talaalka Covid-19.

WHO ayaa sheegtay in hindisaheeda COVAX uu Afrika gaarsiin doono shixnad tallaalka Covid-19 ah oo dhan 90 milyan oo dhibcood dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee February.

Hay’adda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 320.000 oo dhibcood oo ah tallaalka Pfizer-BioNTech la gaarsiin doono afarta dal ee kala ah Rwanda, Cabo Verde, South Africa iyo Tunisia.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay Tanzania ku dhawaaqday in aysan heynin wax qorshe ah oo ay ku aqbali karto tallaalka Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka Burundi ayaa iyana sheegtay in ay xoogga saari doonaan dhaqangelinta tallaabooyinka looga gaashaanto faafitaanka xanuunka.

Burundi ayaa diiwaangelisay in ka badan 1600 oo kiis oo xanuunka Korona ah.

Sida ay ku warantay xarunta ka hortagga xanuunnada Afrika ee CDC guud ahaan kiisaska xanuunkan ee qaaradda Afrika ayaa gaaraya 3.6 milyan oo kiis halka dadka u geeriyoodayna ay tiradoodu gaadhay 93,647.000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here