Eey Lagu kala Iibsaday Qiimahii ugu Sareeyay Caalamka oo Dhan.

0
232

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Eeygan ayaa waxaa lagu iibiyay 36,000 oo doolar oo ah qiimihii ugu sareeyay ee eey lagu kala iibsado caalamka.

Eeygan 12 bilood jirka ah ayaa lagu magacaabaa Kim, isla markaana waxaa tababaray Dewi Jenkins oo ku sugan magaalada Talybont, ee u dhaw degmada Aberystwyth ee dalka UK.

Qiimaha eeyada lagu iibsado caadiyan ayaa ah ku dhawaad 2,700 oo doolar.

Mr Jenkins ayaa farta ku fiiqay in eeyga lagu magacaabo Kim la iibiyay maalmo uun ka hor sanad guuradii kowaad ee dhalashadiisa

.Eeygan lacagta badan lagu iibiyay ayaa lagu kala iibsaday qaab xaraash ah oo dhanka internet-ka ah.

Mr Jenkins ayaa sheegay in inkastoo Kim oo ah dhaddig ay da’deeda aad u yar tahay, hadana ay tahay mid aad u caqli badan ayna u dhaqanto sida eey 3 sano jira.

“Waxay sameynaysaa waxa walba, waxay ilaalin jirtay lo’da iyo ariga,” ayuu yiri.

Mr Jenkins, oo ah beeraley tababara eeyda ayaa sheegay in xaqiiqada ah in Kim ay ku baratay waqti kooban waxyaabo badan ay tahay mid la yaab leh.

Mr Jenkins, ayaa eeygani ku tababaray luuqadda Ingiriiska taasi oo fursad u siinaysa in uu ka iibiyo guud ahaan caalamka sida Mareykanka, Norway, Belgium, Faransiiska iyo Ireland.

“Waan ka xumaa in ana arko Kim oo iga tageysa laakiin ugu yaraan waxaan ogahay in guri fiican ay tageyso,” ayuu yiri Mr Jenkins.

Mr Jenkins ayaa intaa ku daray in imika uu waqti badan galin doono sidii uu u tababari lahaa eeyo badan oo ah noocyada aragi ilaaliya.

Eeyada noocan ah ayaa inta badan waxaa adeegsaday beeraleyda oo shaqooyiin ay ka mid yihiin ilaalinta beerta iyo xoolaha ku qabsada una tababara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here