Chelsea Oo Cashar u Dhigtay Dhiggeeda Tottenham Iyo Tuchel Oo Ka Adkaaday Mourinho.

0
274

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah soo hoysay muddo toddobaad ah oo uu laylinayay Thomas Tuchel oo beddelay Frank Lampard, halka Tottenham ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah laga badiyey.

Chelsea oo marti u ahayd Tottenham ayaa waxay soo gaadhay guul 1-0 ahayd, taas oo ku timid rikoodhe uu qaybtii hore u dhaliyey laacibka khadka dhexe ee Talyaaniga ah ee Jorginho.

Daqiiqaddii 23aad ee ciyaarta ayuu Eric Dier qalad ku galay Timo Werner ee xerada ganaaxa ku jiray, waxaana rikoodhe aanu muran ku jirin loo dhigay Blues oo uu gool ugu beddelay Jorginho.

Ciyaartan oo ahayd mid aad loo sugayay, isla markaana ahayd kulankii ugu horreeyey taariikhda ee Jose Mourinho iyo Thomas Tuchel ayaa waxay noqotay mid sii wadda qalbi-jabka Spurs oo labadii ciyaarood ee horena guul-darrooyin ay usoo xambaariyeen Liverpool iyo Brighton.

Chelsea ayaa soo gashay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League iyadoo yeelatay 36 dhibcood, isla markaana farqiga goolasha kaga sare martay Everton oo ay isku dhibco yihiin.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA (3-4-2-1): Edouard Mendy; Thiago Silva, Antonio Rudiger, Cesar Azpilicueta; Reece James, Jorginho, Mateo Kovacic, Marcos Alonso; Mason Mount, Callum Hudson-Odoi; Timo Werner.

Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Tammy Abraham, Emerson, Olivier Giroud, Christian Pulisic, Andreas Christensen, Ben Chillwell, Hakim Ziyech, N’Golo Kante.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Ben Davies, Eric Dier, Toby Alderweireld, Serge Aurier; Moussa Sissoko, Pierre-Emile Hojbjerg; Son Heung-Min, Tanguy Ndombele, Steven Bergwijn; Carlos Vinicius.

Kaydka: Lucas Moura, Gareth Bale, Joe Hart, Joe Rodon, Davinson Sanchez, Harry Winks, Matt Doherty, Japhet Tanganga, Erik Lamela.

Chelsea ayaa bilowgii ciyaartaba ku dhowaatay inay gool ka gaadhsiiso Tottenham, waxaana daqiiqaddii labaad uu Timo Werner kubadda ku garaacay laba difaac oo Tottenham ah. Laakiin nasiibkiisa ayaa xumaaday oo goolka ka hor joogsaday.

Daqiiqaddii 23aad ayuu jawiga garoonku isbeddelay kaddib markii kubbad uu Azpilicueta u tuuray Werner ay ku dagaallameen weeraryahanka reer Germany iyo Dier, iyadoo uu difaaca reer England oo dhulka jiifa uu laaday weeraryahanka Blues. Garsooraha ayaa markiiba dhigay rikoodhe aanu muran ku jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here