Liverpool Oo Laga Mamnuucay Inay Gasho Waddanka Germany Iyo Kulankooda Champions League Oo Halis Ku Jira.

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa laga xayiray inay gasho waddanka Jarmalka oo ay kusoo ciyaari lahayd lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Champions League oo ay ugu tegi lahayd RB Leipzig.

Jarmalka ayaa soo saaray xayiraado dhinaca socdaalka ah oo uu kusoo rogay UK, si ay iskaga xakamaeeyaan fayraska Korona ee sida weyn ugu baahay boqortooyada.

Liverpool oo ay ahayd inay u safarto Jarmalka oo ay kula soo ciyaarto RB Leipzig  16ka bishan February ayaa hadda lagu wargeliyey in aanay geli karin dalkaas oo aan loo ogolaan doonin, isla markaan aan wax asxaan ah looga samaynayn xayiraadaha dawladdu soo rogtay.

Tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa ayaa lugta hore waxay tegi lahaayeen garoonka Red Bull Arena, laakiin hadda waxay ka sugayaan UEFA sida laga yeelayo ciyaartan.

Dawladda Jarmalka ayaa soo rogtay tallaabooyin degdeg ah oo ka mamnuucyada safarrada caalamiga ah ee meelaha khatarta fayrasku ku badan tahay, gaar ahaan UK.

Duullimaadyada diyaaradaha ee ka imanaya gobollada mamnuuca ah ayaan dalkaas soo geli doonin illaa inta laga gaadhayo February 17 oo ah maalin kaddib waqtiga ay tahay inay ciyaarta Liverpool iyo RB Leipzig dhacdo.

Liverpool ayaa rajaynaysay in si gaar ah loola macaamili doono oo loo ogolaan doono inay ciyaartan kusoo dheesho Jarmalka, laakiin war ay soo saartay wasaaradda Federaalka iyo Arrimaha gudaha ayaa waxa lagu sheegay in aanay jirin cid ka reebban fulinta xayiraadahan oo ay tahay in sideeda loogu dhaqmo.

War-saxaafadeed ay wasaaradda Federaalka iyo Arrimaha Gudaha Germany ayaa lagu wargeliyey in booliska Federaalku ay tallaabooyin ka qaadaan ciddii fulin weyda awaamiirtan.

UEFA ayaa siisay RB Leipzig illaa February 8, si ay u abaabusho garoon kale oo ka baxsan dalkaas oo ciyaartani ka dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here