Militariga Dalka Myanmar oo Mamnuucay Isticmaalka Aaladda Facebook.

0
274

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Militariga xukuma dalka Myanmar ayaa mamnuucay adeegsiga aalada Facebook kadib maalmo markii ay afganbi milatari kula wareegeen dalkaasi.

Masuuliyiinta ayaa sheegaya in adeegsida baraha bulshada ay qayb ka tahay xasilooni darada dalkaasi ka taagan waqti xaadirkan.

Shirkadda Facebook ayaa ah tan loogu isticmaal badan yahay gudaha wadanka Myanmar iyadoona 53 milyan oo ah kala bar dadka wadankaasi ku dhaqan ay isticmaalaan aaladan.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Warfaafinta dalkaas ayaa sheegtay in xayiraada lagu soo rogay shirkadda facebook ay socon doonto illaa iyo 7’da bishan Febaraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here