Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle oo Dayactireysa Kanaalada Waraabka Beeraha Jowhar.

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maamulka Hirshabeellle ayaa daah furtay mashruuc dib udayactir loogu sameenayo Kanaalada waraabiya Beeraha Degmada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran.

Kanaaladaan Biyaha qaada  ee dib loo habeynayo waxay kala yihiin Weydow goomey iyo kanaalka Kalluundi kuwaas oo bur bur aad u weyn ka muuqdo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Beeraha Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim daqare oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kanaaladan dib udayactirkooda muhiim u tahay kor uqaadista wax-soo-saarka Beeraleyda Gobalka Shabeellaha dhexe.

Beera falatada Degmada Jowhar ayaa baahi weyn u qabay helista mashruucan kuwaas oo hadda la rajeynayo inay ka faa’ideystaan Mashaariicda lagu horumarinayo Beerahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here