Man United Oo Sagaal Gool Ku Xasuuqday Xiddigaha Kooxda Kubbadda Cagta Ee Southampton. 

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa SAGAAL gool iyo waxba ku xasuuqday 9 xiddig oo Southampton ah oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford kulankoodii 22aad ee xilli ciyaareedka Premier League.

Casaan uu Southampton ka qaatay Jankewitz daqiiqadii 2aad ee ciyaarta ayaa sababay in Man United ay ku durduriso kooxda martida aheyd iyadoo Southampton casaan labaad la siiyay dhamaadkii ciyaarta.

Manchester United waxaa shabaqa u soo taabtay Anthony Martial oo abaarta goolasha uga baxay labo gool, Wan-Bissaka, Rashford, Cavani, McTominay, Fernandes & Bednarek oo gool iska dhaliyay.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Manchester United ay ku jirto kaalinta 2aad iyagoo 44 dhibcood la wadaaga kooxda hogaanka heysa ee Manchester City kuwaasoo farqiga goolasha ka badan United islamarkaana ay u harsan tahay labo kulan marka loo eego Red Devils.

Labo daqiiqo kaliya marka ay socotay ciyaarta ayay Southampton noqotay 10 ciyaaryahan markii casaan toos ah laga siiyay Jankewitz kaasoo ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Premier League isagoo qalad xun ku galay xiddiga Man United McTominay.

Casaankaas ayaa ciyaarta hal dhinac u riday islamarkaana Manchester United u sahlay inay gabi ahaanba la wareegto koontaroolka ciyaarta.

Man United ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 18aad markii uu shabaqa u soo taabtay xiddiga daafaca midig Aaron Wan-Bisskaka dib markii uu garabka kale ka soo dhigay Luke Shaw.

Seddex daqiiqo ka dib Anthony Martial ayaa dhaliyay goolkii sideedaad ee ciyaarta iyo goolkiisii labaad ee ciyaarta, halka Daniel James uu goolka sagaalaad ku soo xiray daqiiqadii 3aad ee seddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 9-0 oo ay Manchester United ku xasuuqday Southampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here