Sacuudiga oo Muwaadiniinta 20 Dal ka Mamnuucay Waddankiisa in ay Galaan.

0
234

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalkeeda ka joojisay in ay soo galaan muwaadiniinta ka soo jeeda 20 dal arrintan oo ay ku macnaysay mid ay ku xakamaynayso faafitaanka xanuunka Covid-19.

Sacuudiga ayaa sheegay in amarkan aanu saamayn doonin diblomaasiyiinta, muwaadiniinta Sacuudiga, howlwadeennada caafimaadka iyo qoysaskooda.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in xayiraaddan ay dhaqan geli doonto galinka dambe ee Arbacada maanta ah.

Dalalka uu uu muwadiniintooda saamayn doono go’aankan ayaa kala ah Imaaraadka Carabta, Germany, Mareykanka, Britain, Koofur Afrika, Faransiiska, Masar, Lubnaan, Hindiya, Baakistaan iyo qaar kale.

Go’aankan ayaa sidoo kale saamayn doona dadka socdaal dhow ku soo maray maray dalalka aannu soo xusnay.

Tallaabada ay qaadday Boqortooyada Sacuudiga ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u tahay sare u kaca tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Korona ee dalkaas oo sii badanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here