Caalamka oo Wali Ka Doodaya Heerka Difaaca ee Tallaalka Covid-19.

0
316

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waa sida aan ku qeexi karno marka ay timaado abaabulka loogu jiro sidii talaalka loo gaarsiin lahaa bulshada caalamka islamarkana looga hortagi lahaa feyriska Corona, looguna soo celin lahaa duniadda xaalad caadi ah.

Markii ay taariikhdu ahayd 23 January, waxaa tallaalka qeybtii kowaad qaatay in ka badan 60 milyan oo qof oo feyrska laga talaalay.

Balse iyada oo ay dalal badan ay bilaabeen ama ay dardar galiyeen ololaha tallaalka ayaa waxaa jira waxyaabo badan oo aan ilaa iyo imika aan wax badan laga ogeyn.

Ilaa iyo imika ma cadda muddada uu jirka qofka ku sii jirayo difaaca talaalkan iyo in faraca cusub ee feyriska Corna uu noqon doono mid aan waxtar u lahayn tallaalka oo uusan ka hortagi Karin.

Ku dhawaad labo bilood markii uu barnaamijka ballaaran ee tallaalka uu bilaabmay, waxaan eegi doonaa 4 su’aalo oo muhiim ah oo aan wali laga jawaabin.

Sidee noqonayaa difaaca jirka marka uu qofka Corona ku dhaco amaba marka la tallalo, waa mid ka mid ah su’aalaha aan is waydiinaynay labadii bilood ee ugu dambeyay.

Sanad ka dib markiii u bilaabmay cudurkan safmarka ee feyriska Corona ayaa waxaa la daabacay daraasaddihii ugu horeyay ee ku saabsan difaaca jirka.

Daraasadaha arrimahani laga sameeyay ayaa ahaa kuwa xaddidan isamarkana ma aysan socon waqti dheer, sababtoo ah waqtiga kooban ee tallaalka lagu soo saaray.

Balse sida uu sheegay machadka fadhigiisu yahya California ee La Jolla ee daraaseeya waxyaabah la xiriira difaaca jirka ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mid ah jawaabta difaaca jirka taasi oo ku aadan in qofka marka uu ka bogsado feyriska Corona uu wali jirkiisa ku sii jirayo ku dhawaad muddo 6 bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here