Arsenal iyo Manchester United oo Barbarro Ku kala Baxay Kulankii Xalay.

0
241

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal iyo Manchester United ayaa barbarro goolal la’aan ah ku kala baxay kulan adkaa oo ay fursado badan iska khasaariyeen, kaas oo ay labada kooxood albaabada iskugu xidheen Emirates Stadium oo aanay wax taageereyaal ahi joogin.

Gunners oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen dhawr ciyaartoy, ayaa waxa kale oo ay tabayeen kabtankooda ahna gool-dhaliyahooda Pierre-Emerick Aubameyang oo ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah kaga maqnaa hooyadii oo xanuunsanaysa oo cusbitaalka ku jirta, laakiin Manchester United ayaa isticmaashay hubkeeda ugu culus oo ku guul-darraystay inay shabaqa soo taabtaan.

Manchester United ayaa heshay fursad weyn oo goolhaye Leno ku qasabtay inuu iskala-bixin weyn iyo bootin isku daro, si uu goolkiisa uga joojiyo kubbad uu kusoo toogtay Fred, hase yeeshee Nicolas Pepe ayaa isaguna kubbad loo qaatay gool garab mariyey birta.

Edinson Cavani ayaa lumiyey fursaddii ugu qaalisanayd kooxdiisa, iyadoo goolka hortiisa uu kubbad ugu keenay Shaw, taas oo ruug-caddaagani uu si sahlan ugu leexiyey goolka, balse waxay garab martay birta.

Alexandre Lacazette ayaa istaajiyey goolhaye De Gea, birtana kasoo jaray kubbad laag xor ahayd, iyadoo ugu dambayntiina ay labada kooxood ku kala baxeen barbarro 0-0 ah.

Manchester United ayaa kusii negaatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League iyadoo haysata 41 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo leh 44 dhibcood.

Arsenal ayaa iyaduna soo gashay kaalinta siddeedaad, waxaanay leedahay 31 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Paul Pogba; Edinson Cavani.

Kaydka: Eric Bailly, Anthony Martial, Mason Greenwood, Daniel James, Dean Henderson, Alex Telles, Nemanja Matic, Donny van de Beek, Axel Tuanzebe.

ARSENAL (4-2-3-1): Bernd Leno; Hector Bellerin, Rob Holding, David Luiz, Cedric Soares; Thomas Partey, Granit Xhaka; Gabriel Martinelli, Emile Smith Rowe, Nicolas Pepe; Alexandre Lacazette.

Kaydka: Gabriel Magalhaes, Martin Odegaard, Willian, Runar Alex Runarsson, Ainsley Maitland-Niles, Calum Chambers, Mohamed Elneny, Joe Willock, Eddie Nketiah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here