New Zealand oo Xuduudeheeda Dunida Ka Xiratey

0
236

JOWHAR (Radio Isnaay) Dalka New Zealand ayaa Xuduudeheeda ka xiratay Aduunyada kale marka laga reebo Wadanka Australia oo ay derisyihiin kadib markii laba kiis oo Carona Virus ah laga diiwaangeliyey dalkaas

Kiisaskan ayaa laga helay dad kasoo guryo noqday wadanka Koonfur Africa. Newzealand ayaa mudo ka badan todoba bilood aan laga diiwaangelin wax kiis ah oo COVID-19 ah.

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa wadamo badan oo kamid ah Caalamka ayaa waxaa kusoo batay kiisas cusub oo la xiriira Cudurka COVID-19, iyada oo ay walaac xoogan ka muujiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here