Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Guushii Weyneyd Ee Ay Liverpool Xalay Ka Gaartay Tottenham.

0
199

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 40 maalmood ka dib Liverpool ayaa guul ka gaartay kulan ka tirsan horyaalka Premier League iyadoo guusheedii ka horeysay tii Xalay ay aheyd kulankii ay 7-0 ku xasuuqeen Crystal Palace.

Goolka Roberto Firmino waa goolkii ugu horeysay ee ay Liverpool dhaliso horyaalka Premier League tan iyo bishii December kulankii West Brom iyadoo goolkaan uu soo gabagabeeyay 482 daqiiqadood iyo 93 darbo oo aysan gooldhalinin.

Firmino ayaa dhaliyay shan gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee uu ka horyimid Spurs.

Liverpool ayaa badisay lix kulan oo isku xigta oo ay la ciyaareen Tottenham horyaalka Premier League iyo seddex kulan oo isku xigta oo ay ku badiyeen garoonka Tottenham markii ugu horeysay taariikhda.

Liverpool ayaa haatan Tottenham ku garaacday dhamaan maalmaha isbuuca, ka bilow Sabti ilaa Jimce, waa kooxdii seddexaad ee sidaas ku sameysa Tottenham ka dib Everton iyo West Ham.

Jose Mourinho ayaa haatan laga badiyay lix kulan oo horyaalka ah oo marti loo ahaa Tottenham, waana guuldaradii ugu badneyd ee abid soo gaarta taariikhdiisa tababarenimo.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, xiddiga Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa ka qeyb qaatay goolal ka badan inta ay ka qeyb qaateen daafacyada kale ee Premier League isagoo dhaliyay shan gool islamarkaana caawiye ka noqday 16 gool.

Goolkii gantaalka ahaa ee uu Tottenham u dhaliyay Pierre-Emile Højbjerg waa goolkiisii ugu horeysay ee Spurs ee tartamada oo dhan isagoo kooxda u saftay 30 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here