Toni Adams oo Arsenal ku Eedeeyey Inay Samaysay Gef Weyn Oo Dhinaca Suuqa iibka Cayaartoyda ah.

0
198

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Halyeygii Arsenal ee Toni Adams ayaa tilmaamay qalad dhinaca suuqa ah oo ay samaysay kooxdiisa hore, kaas oo ay kula soo saxeexatay ciyaartoy aanay u baahnayn oo ay waliba siisay waqti dheer.

Arsenal ayaa xagaagii lasoo saxeexatay xiddiga reer Brazil ee Willian oo ay heshiis bilaash ah kaga soo qaadatay Chelsea, waxaanay siisay qandaraas saddex sannadood ah iyadoo ay da’diisu tahay 32 jir. Laacibkan ayaa ku dhibaatooday la qabsiga Arsenal, walina wax gool ah uma dhalin.

Tony Adams ayaa rumaysan in saxeexa Willian uu dhibaato badan ku keenayo Arsenal halkii ay ka filayeen inuu wax kusoo kordhiyo, waxaanu yidhi: “Maxay tahay sababta aad kooxda u keenteen? Ma waxaad usoo qaadateen inaad tiro uun ku kordhisaan, mise sabab xoogaa khibrad ah, halkee ayaad taas ka helaysaan?

“In ka badan hal mar ayay shaqaalayntiisu iga oohisay. Edu khibrad badan ayuu leeyahay, aad ayaanay iskugu halleeyaan wakiillada ciyaartoydu si ay laacibiintooda u keenaan kooxda. Waxaad si degdeg ah ku hesheen Willian, Cedric oo isku wakiil ah.”

Inkasta oo ay Arsenal ula soo saxeexatay Willian si uu ugu soo kordhiyo khibrad iyo hannaan la mid ah qaab-ciyaareedkiisii Chelsea oo kale, haddana waxa xiddiga kooxda ee ugu fiican xili ciyaareedkan uu yahay da’yarka Bukayo Saka oo u dhaliyey afar gool lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka, halka uu Emile Smith-Rowe kusoo kordhiyey naadiga hal-abuurkii ay uga baahnaayeen khadka dhexe.

Toni Adams oo ka hadlay waxtarka ciyaartoydan da’da yar ayaa yidhi: “Waxaynu haysanaa carruur badan oo soo baxaysa, ha iibinina ciyaartoydan.

“Waxaad keenaysaan meelaha ay kooxdu ka liidato, manay ahayn inaad Willian oo aad u liita aad siisaan heshiis saddex sannadood ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here