Manchester united oo Afka Ciida u Dartay Dhiggeeda Liverpool.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku garaacday kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada wareega afaraad ee tartanka FA Cup-ka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Manchester United iyo Liverpool.

Daqiiqadii 18-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mohamed Salah, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Roberto Firmino.

26 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Mason Greenwood oo caawin ka helay xiddiga ay weerarka ka wada ciyaaraan ee Marcus Rashford.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad Marcus Rashford ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, iyadoo caawinta goolkan uu ka helay Mason Greenwood.

Laakiin 58 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Mohamed Salah ayaa markale shabaqa ka soo taabtay kooxda Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay barbardhac 2-2 ah, waxaana caawinta goolkan loo diiwaan galiyay Roberto Firmino.

78 daqiiqo kooxda Manchester United ayaa markale la wareegtay hoggaanka dheesha kaddib markii uu laad qurux badan uu dhaliyay xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-2 oo ay Manchester United, kaga adkaatay kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, Red Devils      ayaana sidaas ugu gudubtay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here