Southampton vs Arsenal – Gunners Oo Tijaabo Adag U Maraya Difaacashada FA Cup, Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Labada Dhinac

0
179

JOWHAR (Radio Isnaay) Kooxda Arsenal ayaa soo maraysa tijaabo adag oo ah wadada ay u marayaan inay markale difaacdaan tartanka ay sanadkii dhawaa ku guuleysteen ee FA Cup oo sidoo kale ahaa mid ay guulo kasoo hooyeen sanadihii ugu dambeeyay.

Arsenal ayaa 2-0 kaga soo gudubtay dhigeeda Newcastle United ciyaar adag oo ka qabsoontay gegida Emirates Stadium wareegii hore halka ay Southampton 2-0 kaga soo talaabsatay Shrewsbury Town.

Liiska dhaawacyada ee Southampton ayaa ah mid dheer wakhtigan waxaana dhammaantood dhaawacyo ku maqnaan doona xiddigaha kala ah Vestergaard, Redmond, Romeu, Djenepo, Obafemi, Tella iyo Smallbone.

Saints ayaa ku farxi doona inay dib u helayaan weeraryahan Danny Ings kaas oo soo laabtay kaddib markii uu karantiin dhammaystay maadaama laga helay caabuqa Korona Fayras.

Dhinaca Arsenal daafaca dhexe ee Pablo Mari ayaa kulankan ku seegaya dhaawac kubka ah halka taam ahaanshaha Dani Ceballos uu shaki ku jiro.

Arsenal ayaa la filayaa inay shax bedel samayn doonto waxaana ay u badantahay inay kusoo bilaaban doonaan Willian, Nicolas Pepe, Martinelli iyo Mohamed Elneny.

Aubameyang ayaa sidoo kale kusoo bilaaban kara ciyaartan iyadoo nasiimo uu Arteta u diri karo Lacazette, Bukayo Saka iyo Smith-Rowe.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Southampton (4-4-2): Forster; Walker-Peters, Bednarek, Stephens, Bertrand; Armstrong, Ward-Prowse, Diallo, Walcott; Adams, Ings

Arsenal (4-2-3-1): Leno; Bellerin, Holding, Gabriel, Tierney; Partey, Elneny; Pepe, Martinelli, Willian; Aubameyang

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup

Garoonka: St Mary’s Stadium

Wakhtiga: 3:15 galabnimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here