Xildhibaanada Jamhuuriga oo Dalbaday In Dib loo Dhigo Maxkamadeynta Trump.

0
228

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jamhuuriyiinta Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa ka codsanaya Dimquraaddiyiinta inay ilaa February dib u dhigaan dacwad ku soo oogidda madaxweynihii hore Donald Trump.

Waxay ku doodayaan in taas ay waqti dheeraad ah siin doonto Mr Trump si uu is difaacid isugu diyaariyo. Waxaa lagu eedeynayaa kicin, kaddib markii taageerayaashiisa ay bishii la soo dhaafay galeen dhismaha Capitol.

Dimuqraaddiyiinta Aqalka Wakiillada ayaa diyaar u ah inay dacwadda ku wareejiyaan Aqalka Sare.

Mr Trump ayaa u duulay Florida iyadoo muddo xileedkiisa uu dhammaaday Arbacadii, isagoo aan ka qeyb gelin caleema saarka Joe Biden.

Lixdii January, madaxweynihii hore ayaa dad ku dibad baxayay meel u dhow Aqalka Cad u sheegay in “si nabad ah oo waddaninimo” ku dheehan tahay loo maqlo codkooda xilli ay isku diyaarinayeen inay isu soo baxyo ka sameeyaan dhismaha US Capitol. Wuxuu sidoo kale u sheegay inay “si xun u dagaallamaan”.

Dinbadbaxyada ayaa fowdo isku beddelay iyadoo ay koox si xoog ah ku galeen dhismaha Kongareeska, halkaas oo ay xildhibaannadu ku guda jireen ansixinta guusha Mr Biden.

Afar dibadbaxayaal ah iyo sarkaal booliiska Capitol ka tirsanaa ayaa ku dhintay dhacdadaas.

Toddobaad kaddib, Mr Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay Mareykanka ee labo jeer xil ka qaadis laga gudbiyo. Dacwad ku soo oogiddiisa ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee laga gudbiyo madaxweyne xilka ka tegay.

Baaq uu shalay u diray sanatarrada Jamhuuriga, ayaa hoggaamiyaha sanatarrada laa tirada badan yahay Mitch McConnell wuxuu sheegay in Dimuqraaddiyinta Aqalka uu ka codsaday inay dib u dhigaan dacwadda.

Haddii dib loo dhigo, Mr Trump wuxuu heysan doonaa labo toddobaad – ilaa 11 February – si uu u soo gudbiyo is difaaciddiisa kahor maxkamadeynta. Doodaha ayaa la filayaa inay bilowdaan bartamaha February.

Jamhuuriyiinta, oo laga soo bilaabo Arbacadii aan aqlabiyad ku lahayn Aqalka Sare, ayaa u baahan in hoggaamiyaha aqlabiyadda Dimuqraaddiyiinta, Chuck Schumer, uu oggolaado ra’yigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here