Rikoodhkii Liverpool Ee Anfield Oo Xalay La Jabiyay iyo Liverpool oo 1 – 0  lagu Garaacay.

0
221

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Seddex sannadood iyo sagaal bilood ka dib Liverpool ayaa lagu garaacay garoonkeeda Anfield kulan horyaalka Premier League ah iyadoo ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Burnley, waxaana la jabiyay rikoodhkoodii guuldarro la’aanta ee minankooda.

Gool rigoore ah uu saxiixay Ashley Barnes dhamaadkii ciyaarta ayay Burnley ku garaacday kooxda Liverpool oo marti loogu ahaa Anfield, iyadoo Reds ay dib uga dhacday tartanka horyaalka, waxayana lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Man United iyadoo kulamo isku mid ah ciyaaray.

Liverpool ayaa ciyaarta maamuleysay bilowgii ilaa iyo dhamaadkii laakiin waxay difaacasho adag kala kulmeen Burnley halka nasiib xumo ay u sii dheereyd.

Qeybtii hore Divock Origi ayaa helay labo fursadood oo goolal loo fishay iyadoo midi uu ka badbaadiyay goolhaye Nick Pope halka fursadii labaad oo timid dhamaadkii ciyaarta uu birta garaacay.

Liverpool waxay heshay 13 darbo qeybtii hore ee ciyaarta, waana darbooyinkii ugu badnaa ee ay koox hesho iyadoo aan gooldhalinin tan iyo markii ay sidaan oo kale sameyeen kulan ay la ciyaarayeen Leicester City sannadkii 2017.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad Liverpool ayaa weerarkeeda halkii ka sii waday iyagoo marba marka ka danbeysa u sii dhawaanayay inay shabaqa soo taabtaan. Goolhaye Nick Pope oo wacdarro dhigay isagoo fursad halis aheyd ka beeniyay Alexander-Arnold ka hor inta uusan bixinin kubad gool loo fishay oo ka timid Mohamed Salah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here