Dab Qasaare geestay oo Ka Kacay Xarun lagu Sameeyo Tallaalka Covid-19.

0
266

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shan qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay xaruunta ugu weyn ee soo saarta tallaalka ee galbeedka dalka Hindiya.Dabka ayaa ka kacay guri dhisme ku socday isla markaana ah xaruunta machadka Serum oo ku taalla magaalada Pune.

Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinayay qiiq fara badan oo ka baxayay dhismaha ku yaalla xaruunta shirkadda soo saarta tallaalka.

Shirkadda ayaa sheegtay in wax soo saarka tallaalka uusan saameyn doonin dabkaan. Lamana oga waxa sababay dabka ilaa iyo hadda.

Dabka ayaa markii dambe la xakameeyay, laakiin duqa magaalada ayaa xaqiijiyay in shan qof ay dhinteen.

Maamulaha Machadka Serum, Adar Poonawalla, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri sidaan “Waxaan hadda helnay xog cusub oo naxdin leh; baaritaanka dheeriga ah waxaan ku ogaanay in khasaaro nafeed uu ka dhashay dhacdadaan”.

Mr Poonawalla wuxuu sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin soo saarista tallaalka Oxford-AstraZeneca, ee gudaha dalkaas looga yaqaan Covishield.

Covishield waa mid ka mid ah laba tallaal oo ay oggalaatay dowladda Hindiya si loogu isticmaalo barnaamijkeeda la dagaalanka covid-19 oo bilowday usbuucii la soo dhaafay.

Waddanku wuxuu hiigsanayaa inuu tallaalo 300 milyan oo qof intaan la gaarin bisha Ogoosto ee soo aadan.

Dalal kale oo badan oo dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dabaqadda dhexe ayaa sidoo kale kuxiran machadka Serum ee soo saara tallaalka Oxford-AstraZeneca.

Dalka Hindiya ayaa diiwaan geliyay tirada labaad ee ugu badan dunida ee cudurka ‘Covid-19’ marka laga soo tago Mareykanka.

Tan iyo markii uu faafay cudurku waxaa la xaqiijiyay in ka badan 10.6 milyan oo kiis iyo ku dhowaad 153,000 oo dhimasho ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada Jaamacadda Johns Hopkins.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here