Madaxweyne Biden oo Wax kabadal Ku Sameynaya Siyaasaddii Trump.

0
181

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado kaddib markii la dhaariyay.

“Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,” ayuu barta Twitter-ka ku soo qoray xilli uu ku sii jeeday Aqalka Cad.

Madaxweyne Biden ayaa ugu horreyn saxiixay 15 amarro sare ah, oo wax looga qabanayo xanuunka coronavirus.

Kuwa kale waxaa ka mid ah sharciga muranka dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump.

Trump wuxuu Mareykanka ka mamnuucay dadka ka imaanaya dalal uu u arkay in ay keeni karaan khatar amni.

Qodobka ku saabsan qaadidda xayiraadda safarrada waxaa dalalka uu saameynayo ka mid ah Soomaaliya. Haddii la xirgaliyo arrintanna waxaa rajo yeelan doona dad badan oo qaxootinnimo u rajeynayay in ay ku aadaan Mareykanka iyo kuwo baasaboorka Soomaaliga ah ku safri kara.

Waxaa kale oo uu Biden mudnaan siin doonaa in uu Mareykanka ku celiyo heshiiskii isbaddalka Cimilada ee Paris.

Biden ayaa tallaabo u qaadi doona in uu Mareykanka dib ugu celiyo xubinnimada hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

100 milyan oo tallaalka corona ah ayaa la filayaa in la fuliyo 100-ka maalmood ee ugu horreysa maamulka Joe Biden.

Mr Biden ayaa doonaya in uu dardar galiyo tallaalka fayraska oo dhawaan billowday.

Waxaa kale oo laga filayaa Biden in uu tallaabooyin u qaado sidii loo hormarin lahaa howlaha baadhitaanka fayraska iyo in la kordhiyo qalabka la isaga difaaco cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here