Chelsea Oo Xalay Dhulka Lagu Jiiday iyo Tababare Lampard Oo La Ceyrinayo.

0
225

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Leicester City ayaa la wareegtay hogaanka Premier League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Chelsea oo marti ku aheyd garoonka King Power Stadium iyadoo tababare Brendan Rodgers uu markii ugu horeysay abid ka badiyay Chelsea ka dib 15 kulan uu ka horyimid.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in tababare Frank Lampard uu qarka u saaran yahay in laga ceyriyo shaqadiisa iyadoo Chelsea ay ka afar dhibcood kaliya ka heshay 21kii dhibcood ee ugu danbeeyay ee ay u tartameen horyaalka. Wariyaha wargeyska The Athletic uga soo waramaya Chelsea ayaa xalay sii sheegay in Lampard uu shaqadiisa weyn doono haddii la garaaco kulanka caawa.

Leicester ayaa hal dhibic ku qabatay hogaanka Premier League oo ay kala wareegeen Man United laakiin kooxda Foxes waxay sii hor ciyaareen hal kulan.

Inkastoo Chelsea ay kubada inteeda badan heysatay qeybtii hore ee ciyaarta hadana fursadihii ugu muhiimsanaa waxaa helay Leicester City oo hogaanka ku qabatay kubad koorno ay isku soo baaseen iyadoo Harvey Barnes uu kubada u dhigay Ndidi oo xerada goolka ku jiraykaasoo darbadiisa ay birta ku dhacday ka hor inta aysan shabaqa ku nasasnin.

Dhamaadkii qeybta hore ayay hogaanka sii dheereysatay Leicester City markii kubad dheer uu soo qaaday Marc Albrighton, daafaca Chelsea ayaa noqday kuwa kala daadsan taasoo keentay Maddison uu boos banaan kubada ku helo islamarkaana uu dabamariyo goolhaye Mendy oo ku soo baxay.

Labadaas gool oo ay hogaanka ku heysay Leicester City ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Bilowgii qeybta labaad Chelsea ayaa mar kale soo bandhigtay difaacasho xumadooda iyadoo karoos uu soo qaaday Albrighton uu meel cidlo ah ka helay Justin laakiin kubadiisa waxay ku dhacday shabaqa geeskiisa.

Dhanka Chelsea Tammy Abraham ayaa isna fursad u helay laakiin kubadiisa madaxa aheyd waxay ku aaday goolhaye Schmiecel oo badbaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here