Fernando Torres Oo Muuqaalkiisa Isbedel Ku Sameeyay kadib markii Uu Tababare Noqday.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigii hore ee Atletico Madrid iyo Liverpool Fernandes Torres ayaa ciyaaraha ka fariistay 18 bilood ka hor laakiin wuxuu si weyn u bedelay muuqaalkiisa.

Torres haatan waa 36 sanno jir ah isagoo bilaabay waayihiisa tababarenimo, wuxuuna tababare ka noqday kooxda da’ yarta Atletico Madrid B.

Sawirada weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Chelsea oo la soo bandhigay ayaa muujinaya inuu noqday shaqsi ka xoog iyo murqo weyn waqtigii uu garoomada ku jiray markaasoo lagu yaqaanay xawaare dheereeya.

Torres ayaa dhaliyay 121 gool 350 kulan uu u saftay Atletico Madrid labo jeer uu kooxda ka dhisan caasimada Spain u dheelay isagoo Atletico Madrid ka noqday halyeey.

Wuxuu horyaalka heerka labaad la qaaday kooxda Atletico sannadkii 2002 iyo Europa League uu la qaaday 16 sannadood ka dib, laakiin waqtigiisii uu ugu koobabka badnaa waxay aheyd Chelsea oo uu kula guuleystay Champions League, Europa League iyo FA Cup.

Waqtigii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed waxay aheyd markii uu joogay Liverpool isagoo dhaliyay 81 gool seddex xilli ciyaareed iyo bar.

Xulka Spain wuxuu u dhaliyay 38 gool 110 kulan uu u saftay isagoo la qaaday koobka Qaramada Yurub sannadihii 2008 iyo 2012 iyo Koobkii Adduunka ee 2010.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here