Trump oo jeediyay khudbadiisii maca-salaameynta ka hor inta uusan xafiiska ka tagin.

0
208

JOWHAR (Radio Isnaay) Waxaa uu Trump yiri: “waan sameynay wixii aan u nimid in aan sameyno- iyo ka badan-ba.”Muqaal la soo galiyay barta Youtube, ayaa waxaa uu sheegay in uu galay “dagaal adag, iyo hardankii ugu adkaa… sababtoo ah buu yiri waa taa wixii aad ii doorateen in aan sameeyo

Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday dorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November, taasi oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.

“Siyaasad ku dhisan rabshad waa weerar lagu soo qaaday wax walba oo aan ku naaloon jirnay haddii aan nahay Mareykan loomana dulqaadan doono,” waxaa uu sidaasi Mr Trump ku sheegay muqaalka uu soo duubay.

Marna madaxwayne Trump ma magac dhabin ninka isaga badali doona saacado ka dib e Joe Biden.

 Mr Trump qudhiisa ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka xayuubin ka dib markii lagu eedeeyay “kicin dad weyne iyo kacdoon ” islamarkana waxaa uu wajihi doonaa aqalka Sanetka.

Haddii Trump lagu helo eedeeymaha loo haysto waxaa laga mamnuuci doonaa in uu isu soo taago ama uu qabto xafiis dowladeed.

Waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee taariikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here