Arsenal Oo Xasuuqday Newcastle & Aubameyang Oo Abaartii Ku Habsatay Ka Baxay.

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Newcastle oo ay 3-0 ku xaaqeen ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Emirates Stadium.

Weeraryahan Emerick Aubameyang ayaa ka baxay abaartii goolasha ee ku habsatay xilli ciyaareedkan isagoo kulankii caawa dhaliyay labo gool islamarkaana seddex dhibcood oo qiimo leh ku hogaamiyay kooxda Arsenal oo wadada guusha ku soo noqotay.

Qeybta hore Arsenal ayaa kubadda haysatay waxa ayna daqiiqadii 14-aad heleen fursad xaqiiq aheyd ka dib kubad uu goolhayaha Newcastle ka bad baadiyay Saka waxa ayna birta kaga sii dhacday Aubameyang .

Arsenal , waxa ay qeybtaas hore ka sheeganayeen in go`aanada kubadda ay deg deg u qaadanayeen waliba aysan diiradda saareyn ciyaarta waxaana lagu nastay bar bar dhaca bilaa goolal ah .

Qeybta labaad , Arsenal kubad deg degsiimo leh ayay ku bilaabeen xilli biloowgii goolhayaha Newcastle uu fursad xaqiiq ahaa u diiday Lacazette .

Si waliba, Newcastloe kubadaha laadaadka dhaadheer ayay ku tiirsanaayeen balse waa u nuglaayeen gool laga dhaliyo marka la eego sida Arsenal dar dar u ahaayeen .

Ka dib kubad uu meel fog ka baasay Partey waxaa helay Aubameyang oo gool cajiib ah dhaliyay daqiiqaddii 50-aad , ka dib Arsenal cadaadis ayay sameeyen illaa mid labaad daqiiqaddii 51-aad ka helaan waxaana saxiixay Saka .

Arsenal waxa ay badalkooda koowaad sameeyeen daqiiqaddii 67-aad waxa ayna soo giliyeen Mohamed Elneny oo loo saaray Partey, ka dib Arsenal cadaadiska ayay sii xoojiyeen oo gool sedexaad ayay baadi goobayeen .

Dadaalkii Arsenal waxa ay ku keeneen gool sedexaad waxaana daqiiqaddii 77-aad saxiixay Aubameyang , waxa ayna ka dib soo giliyeen William oo loo saaray Aubameyan halka uu sii raacay Smith-Rowe waxaana lagu badalay Gabriel Martinelli

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay sedexdaas gool ee ay Arsenal ku garaaceen Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here