Inter Milan Oo Karbash Adag ku Dhufatay Juventus iyo Cristiano Ronaldo Oo Cadho Ku Baxay Xalay.

0
213

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa hoggaanka la qabatay AC Milan oo ay ciyaari u hadhsan tahay, waxaanay wada yeesheen min 40 dhibcood.

Inter Milan oo garoonkeeda kusoo dhoweysay Juventus ayaa muujisay awood iyo saansaan muujinaysa in xili ciyaareedkan aanay Juventus markeedii tobnaad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonin horyaalka, waxaanay u dhiibtay 2-0, iyadoo garoonka ay madax xanuun kaga baxeen Cristiano Ronaldo iyo asxaabtiisu.

Arturo Vidal ayaa gool-dhalinta u aftahay Inter Milan, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Nicolo Barella daqiiqaddii 12aad ee bilowga ciyaarta.

Juventus oo laga haystay khadka dhexe ayaa waxa la xakameeyey afkeeda hore, waxaana goolka labaad Inter Milan u dhaliyey Nicolas Barella, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Inter Milan.

Shaxdii labada kooxood

INTER XI (3-5-2): Samir Handanovic; Milan Skriniar, Stefan De Vrij, Alessandro Bastoni; Achraf Hakimi, Nicolo Barella, Marcelo Brozovic, Arturo Vidal, Ashley Young; Romelu Lukaku, Lautaro Martinez.
Kaydka: Andrea Pinamonti, Aleksandar Kolarov, Alexis Sanchez, Daniele Padelli, Stefano Sensi, Roberto Gagliardini, Christian Eriksen, Ivan Perisic, Matteo Darmian, Ionut Radu, Andrea Ranocchia.

JUVENTUS XI (4-4-2): Wojciech Szczesny; Danilo, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Gianluca Frabotta; Federico Chiesa, Rodrigo Bentancur, Adrien Rabiot, Aaron Ramsey; Alvaro Morata, Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Gianluigi Buffon, Carlo Pinsoglio, Giovanni Garofani, Alessandro Di Pardo, Merih Demiral, Radu Dragusin, Arthur, Weston McKennie, Ranocchia, Nicolo Fagioli, Federico Bernardeschi, Dejan Kulusevski.

Cristiano Ronaldo ayaa bilowgii ciyaartaba waxa uu ka nixiyey Inter Milan oo uu ka dhaliyey gool kaddib kubbad fooli ahayd oo ka timid Chiessa, hase yeeshee marka

uu Ronaldo goolka dhalinayeyba waxa taagnaa calanka muujinaya inuu ku jiray offside, taas oo ka kharibtay damaashaadkii.

Daqiiqaddii xigtay ayuu Arturo Vidal gool aan muran lahayn hoggaanka ugu dhiibay Inter Milan, waxaana laacibkan uu kooxdiisa hore ka dhaliyey kubbad karoos ahayd oo ka timid Barella, waxaana uu si dhibyar ugu hubsaday shabaqa.

Martinez ayaa kubbad halis ahayd oo loo qaatay inay gool tahay waxa uu dul-mariyey goolka iyadoo kubbad uu Lukaku barta rikoodhaha kaga toogtay goolka uu soo celiyey Szeczesny, balse Martinez oo helay fursadda ayaa goolka ku liishaamay, waxaanay kubaddu ka dallacantay goolka.

Inter Milan ayaa goolka labaad heshay daqiiqaddii 52aad ee qaybta dambe, waxaana u saxeexay Barella oo kubbad ka helay Alessandro Bastoni.

Andrea Pirlo oo ay xaaladdu ku xun tahay ayaa ku waashay inuu sameeyo beddelo badan, si ay kooxdiisu uga daba iman karto labada gool ee lagala hor-maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here