Chelsea oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Fulham oo ay booqatay.

0
201

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Fulham oo ay ku booqatay garoonkeeda Craven Cottage, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada isbuuca 19-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey ku kala nasteen labada kooxood Fulham iyo Chelsea barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda qadka dhexe ee Mason Mount.

Ugu dambeyntii ciyaarata ayaa waxay ku soo idlaatay 0-1 oo ay Chelsea kaga soo adkaatay kooxda Fulham oo ay ku booqatay garoonkeeda Craven Cottage. Blues ayaa booska 7-aad kaga jirta miiska kala sareynta ee horyaalka Premier League iyaga oo leh 29 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here